Wednesday, November 5, 2014

Madaxweyne ku-xigeenka oo Xadhigga Ka jaray Xarun Cusub oo loo dhisay Laanta Dambi-baadhista

Hargeysa, 05 Nov, 2014 (Himilo)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa shalay furay Xarun cusub oo loo dhisay ciidanka Dambi-baadhista Somaliland ee CID-da, taas oo dawladda Ingiriisku maalgelisay.
Munaasibad loo sameeyey xadhig-ka-jarista dhismaha cusub oo lagu qabtay isla xaruntaas, ayaa waxa ka qayb-galay Safiir ku-xigeenka Dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa, Chris Alen, Saraakiil ka socotay waaxaha ammaanka ee dawladdas, Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska iyo saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland.
UntitledMs Jennifer Anderson oo hoggaaminaysay weftiga dawladda Ingiriiska, isla markaana madax ka ah waaxda la dagaalanka argagxisada u qaabilsan Bariga Afrika ee wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa ugu horeyn ka hadashay munaasibadda, waxaanay sheegtay in hawshan ay ku qalabeeyeen xafiiskan cusub ee CID qeyb ka yahay iskaashiga dhow ee Somaliland iyo Ingiriisku wadaagaan.
“Waan ku faraxsan nahay u diyaarin goob iyo qalab ku haboon helitaanka baadhitaano lagu kasloonaado ciidamada baadhitaanka dembiyadda Somaliland,” ayey tidhi Ms Jennifer.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku ammaanay dawladda Ingiriiska kaalinta ay ka qaataan dhismaha hay’adaha dawladda ee Somaliland ee dhinacyada ammaanka, maamulka iyo adeegyada bulshada.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo dawladda Ingiriisku aasaastay qayb weyn ku leeyahay kaabista dhaqaale ee miisaaniyadda dalka oo loogu daray horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Ugu dambayntii, madaxweyn ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici oo xadhigga ka jaray xarunta cusub, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan uga mahad-celinayaan dawladda Ingiriiska iskaashiga dhow iyo taageradooda Somaliland oo qayb weyn ah isbeddelka dhinacyada ammaanka iyo mashaariicda kale ee dawladda Britain ku caawiso Somaliland.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment