Hargeysa, 03 Nov, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horeysay ka hadlay cabashooyin ka dhashay derejooyinka Ciidamada kala duwan ee dalka oo xukuumaddiisu sannadkii hore u qaybisay ciidamada, waxaanu ballan-qaaday inay sida ugu dhaqsa badan waxa uga qaban-doonaan cabashooyin uu sheegay inay ka soo baxeen derejooyinka.
Madaxweynaha Somaliland, waxa uu sheegay inay cabashooyin ka soo baxeen derejooyinka lagu taxay Ciidamada Dalka oo boolisku ka mid yahay, waxaanu ballan-qaaday sixitaan lagu sameeyo qaladaad jira oo cabashooyinka uu xusay sababay.

“Ciidanka Boolisku waa ciidamada ay ku fadhido nabadgelyada oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal laga hirgelin karo. Dalku haddaanu nabadgelyo haysan oo ciidamo boolis ah oo wax-qabta oo feejigan oo habeen iyo maalinba u soo jeeda, dalkaasi xasili maayo, degina maayo. Markaa waxaan hambalyo ballaadhan u dirayaa meel ay joogaanba ciidamada booliiska iyo xaasaskooda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo cabashooyinka derejooyinka ka soo baxay ciidamada ee uu xusay noqonayso markii u horeysay ee uu ka hadlo, waxa uu yidhi, “Cabashooyinbaa ka yimi derejooyinkii aanu bixinnay, waxaanu leenahay cabashooyinkaasna waanu sixi doonnaa, sida ugu dhakhsaha badan ayaanu wax uga qaban doonnaa oo waanu sixi doonnaa.”
“Waxaan doonayaa inaan mar labaad u hambalyeeyo ciidanka booliska oo aan u sheego inaanu faraxsannahay, ku faanayno waxtarka ay qaranka iyo umadda u leeyihiin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment