
Wadaadka Sheikh Salim Bakari Mwarangi ayaa la toogtay xilli uu gurigiisa ku soo laabtay salaadii maqribka uuna kusoo tukaday masjid ku yaala deegaanka Likoni ee Mombasa,waxaana dhawaca ahaan loogu qaaday isbitaal kadibna dhaawicii ayuu ugeeryooday, sida uu warbaahinta usheegay taliyaha bilayska maxalliga ah ee Mombasa .
Gobolka xeebta ah ee Kenya, xarun dalxiis ee dalkaasina lagu timaamo,aynu ku nool yihiin inta badan dadka Muslimiintu Kenya , ayaa waxaa weeraro bambaanoyin ah dhowrkii bilood ee la soo dhaafay lagu qaadayay,waxaana police-ka magaaladaasi ay ku eedeynayeen in ay ka danbeyaan qaraxyadaasi ciidanka Xarakada al Shabaab.
Koox xuquuqda Muslimka maxalliga ah udooda , oo lagu magacaabo Haki Africa,ayaa warkooban oo kasoo baxay waxa lagu yidhi“ Sheekha la dilay waxa uu ahaa mid udhaq dhaqaaqayaay nabadda waxaana laga yaabaa in ay saameyn xoogan ku reebto magaladda Mombasa ee dalka Kenya.”
Sheikh Bakari Mwarangi ayaa sidoo kale Waxa uu ahaa xubin ka tirsanaa gudiga nabad galyada magaaladda Mombasa sidoo kalena waxaa uu caawiye u ahaa dowladda Kenya gaar aahaan arimha dagaal diimeedyada sida laga soo Francis Auma, oo ah xidhiidhiyaha barnaamijyada ururka xuquuqda Muslimka maxalliga ah udooda.
Bishii june ayaa sidan oo kale waxaa magalada Mombasa lagu dilay Sheekh Maxamed Idris oo gudoomiye ka ahaa Golaha Imaamyada Kenya oo loosoo gaabiyo (CIPK) waxaana isna lagu dilay weerar ka dhacay masaajid ku yaal magaala xeebaadka Mombasa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment