
Goob joogayaal ku sugnaa xilliga weerarka dhacayay degmada Xamar jajab oo aheyd halka uu gurigiisa ku yaalay Prof. Dhalxa ayaa sheegay inay maqleen tacshiirad muddo socotay oo ay is weydaarsanayeen dableydii weerarka ka dambeysay iyo ilaaladii Xildhibaanka.
Xaalada caafimaad ee Prof. Dhalxa ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, waxaana weerarkan uu dhacay, xilli uu ku sii wajahnaa xarunta Golaha shacabka oo shir uga furmaya Xildhibaanada Baarlamaanka.
Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa shan Xildhibaan, iyadoo weerarada lagu khaarijiyay xildhibaanada ay isku ekaayeen qaababka loo fulinayay oo ahaa dabley ku hubeysan qoryaha fudud oo gaadiid wata.
Xildhibaan Dalxa oo la Hadlay Idaacadda BBC-da, ayaa xaqiijiyey geerida Dirawalkiisa iyo xubno Ilaalo u ahaa, waxana uu caddeeyey inuu ka Badqabo isagu weerarkaas lagu soo qaaday.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment