Friday, November 7, 2014

Nuxurka Waraaq Madaxweyne Obama U Diray Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran

Washington:Nov,07,2014(Himilo)-Mid Kamid ah Wargeysyada Kasoo Baxa Dalka Maraykanka, ayaa dibadda soo dhigay sir dahsoonayd oo sheegaysa inuu Madaxweynaha Dalka Maraykanku Waraaq u diray Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Dalka Iran Ayatulahi Cali Khumaini.

hamuWargeyskan oo ah The Wall Street, ayaa tilmaamay in Nuxurka Waraaqdaasi ahayd sidii labada Dhinac u samaysan lahaayeen Iskaashi dhinacyo Badan ah, gaar ahaan Dagaalka Ururka Daacish, maadaama muddooyinkan Dambe Labada dal xagga siyaasadda isku soo dhawaanayeen.

Qof galaangal ku leh dowladda Iran ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ayatullah Cali Khamenei uu dhawaan warqad ka helay Obama, balse lama sheegin sida uu waraaqdaas uga Jawaabay.

Sida uu sheegay wargeyska The Wall Street Journal, Obama ayaa warqada diray bishii lasoo dhaafay, waxaana uu ku xusay in Iran iyo Mareykanka ay wadaagaan khatar kaga soo fool leh ururka Daacish ee ka dagaallama Suuriya iyo Ciraaq.

Balse Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkeystay in iskaashi kasta oo labada dal dhex mara uu ki xidhan yahay sida ay Iran u aqbasho heshiis wax ku ool ah oo laga gaadho barnaamijkeeda nuclear-ka.

Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay heshiiskaasi ayaa ku eg 24-ka bishan November, waxaa kulan arrintaa looga hadlayo maalinta Axada ah yeelan doona wasiiradda arrimaha dibada ee Iran iyo Mareykanka.

Iran ayaan qeyb ka ahayn duulaanka uu Mareykanka hoggaaminayo ee ka dhanka ah Daacish, balse waxa ay iskeed dagaal ugula jirtaa ururkaasi.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Iran ay kala hadleen iskaashi ku aaddan dagaalka, balse ilaa iyo hadda aanu jirin iskaashi u dhexeeya oo dhanka ciidanka ama sirdoonka ah.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment