Tuesday, November 4, 2014

“Waxaan u Sharaxanahay Doorashada Golaha Wakiillada”

Hargeysa, 04 Nov, 2014 (Himilo)- Suldããn Xasan Tamuuje oo ka mid ah Dhalinyarada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka Doorashada Golaha Wakiillada ee badhtamaha sannadka soo socda loo muddeeyey inay dalka ka dhacdo.
suldaanSuldããn waxa sheegay inuu go’aanka shaacinta hankiisa murashaxnimo oo muddo uu ka fekerayey uu garwaaqsaday inuu ka mid noqdo murashaxiinta gobolka Maroodijeex ugu qayb-gali doona tartanka doorashada golaha Wakillada.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal u ku iftiimiyey sababaha ku dhaliyey inuu u tartamo golaha wakiillada. “Aniga oo ah Suldaan Xasan Tamuuje waxaan bulsho-weynta Somaliland gudo iyo dibad ku wargalinayaa inta magacayga iyo muuqaygaba taqaana, iyo dhamaan beeshayda inaan ku dhawaaqo arrin in muddo ah aan ka fikirayey oo ah dareen siyaasi ah.
Sidaasi awgeed waxaan hordhac ahaan u soo gudbinayaa inaan ahay musharax u sharaxan doorashada golaha wakiilada Somaliland.
“Markii aan la tashaday dhinacyo badan oo isugu jira waayeel, dhalinyaro, siyaasiyiin, xisbiyada iyo dadka I taageera ee waliba igu dhiiri galiyey inaan is sharaxo.Musharaxnimadayda waxa igu kalifay waqtigan anigoo ku abtirsada bahda waxbarashada Somaliland oo arday ilaa macalin ka soo noqday dalka, kana mid ahaa saraakiishii wasaarada waxbarashada oo aan la taliye u noqday wasiirkii waxbarashada ee hore Xasan X Maxamuud Gadhweyne oo ku guuleystay inuu waxbarashada gaadhsiiyo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka”.
Anigu taageerayaasha aan kalsoonida ka qabo inay codka I siiyaan waxa ugu horeeya dhalinyarada maadaama oo aan macalin u ahaa muddo shan sano ah kana hawl gali jiray dugsiyada gaarka loo leeyahay, inkasta oo aan sanadihii u danbeeyey aan ahaa qurbejoog, hadana waxaan ka mid ahay dadka sida joogtada ah dalka dib ugu soo noqnoqonayey ee had iyo jeer la socda xaaladaha iyo duruufaha ay ku jiraan dadka iyo dalku, isla markaana xogogaalka u ah xaalada siyaasada Somaliland.
Gabogabadii waxaan u mahad naqayaa dadweynaha sharafta leh ee Somaliland,” Sidaas ayuu Suldããn Xasan Tamuuje qoraalkiisa ku yidhi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment