Sunday, November 9, 2014

“Xisbi Siyaasi ah ayaannu nahay oo Mucaarad Adag soo maray oo cadow badan oo gudo iyo dibedba leh, markaa Cadowgaaga…”

“Nin aad awalba ishayseen oo siyaasad isku hayseen ood siyaasad kaga adkaatay oo guul iyo goolal ka dhalisay, cay uu dibedda kaa caayo wax ay ku yeelaysaa runtii ma jirto” – Wasiirka Maaliyadda – WARAYSI GAAR AH – Qaybtii 2aad
Hargeysa, 09 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay inaanay damqasho iyo wax ay xukuumad ahaan dhibsadaan u arkaynin dhaliilaha siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo gaar ahaan shakhsiyaadka xilalka ka soo qabtay xukuumadihii ka horeeyey ka sheegaan hab-dhaqanka maamul ee xukuumadda uu ka tirsan, isaga oo ku dooday in wax-qabadka adeegyada bulshada ee Xukuumadda Kulmiye ku tallaabsatay ay jawaab ugu filan tahay.
CABDICASIIS SAMAALE WMSLWasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Wargeyska Himilo la yeeshay waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo qaybtiisii hore aanu idinku soo gudbinnay Caddadkii Wargeyska ee shalay, waxa uu ka hadlay dhaliilo qaybo bulshada ka mid ah Cabdicasiis ah shakhsiyaddiisa kaga tilmaamaan inuu siyaasado danihiisa fulinaya u isticmaalo hadba xilka uu markaas umadda u hayo, waxaanu ku dooday inay eedaymahaasi qayb ka yihiin dacaayado shakhsiyaad xil-gudasha umadda ku fashilmay ku dhaliilaan xukuumadda uu ka tirsan yahay.
Md Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu dhinaca kale ka hadlay caqabado uu kala kulmo shaqaala ama madax-waaxeedyada Wasaaradda ee xilalka laga qaado ama boosaskii ay hayeen laga beddelo, kuwaas oo sida uu sheegay inta badan uu kala kulmo madax-dhaqameed ama Odayaal ka tirsan Jufada masuulka xilka ka qaaday.
Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo la weydiiyey waxa ka jira hawl-wadeeno wasaaradda ka shaqeeya oo lunsaday hanti qaran inaan wax tallaabo laga qaadin, Odeyaal iyo Xildhibaanno ugu ergo-taga soo-celinta masuuliyiinta xilka laga qaado, waxa uu ku jawaabay, “Ma ogi warkaa, laakiin runtu siday tahay, horta xilka-qaadista iyo xil-magacaabidda waxna waa wax Madaxweyne magacaabo, oo isagaa iska leh, waxna waa wax la xidhiidha wasaaradaha. Waxa wasaaradaha la xidhiidha, wasaarad walba sida ay u wanaajin lahayd shaqadeeda iyaday u taala. Wasaaradda maaliyaddu waa wasaarad xasaasi ah oo shaqo aad u culus dalka ka haysa oo hantidaa ummada iyo soo-saaritaanka miisaaniyadda qaranku saaran yahay, marka isku beddelka wasaaradda, ka shaqeynteeda iyo kastamada dabagalkooda arrin aad iyo aad mudnaan u mudan weeye.”
“Way dhacdaa qof aan meel ka beddelnay in la yidhaahdo qofkaa meeshii ku celiya, laakiin danta wasaaradda, danta qaranka iyo danta ummada loo hayo ayaan eegnaa, wixii suurtagal ah waanu aqbalaa, waxii aan suurtagal ahayna dee maya ayaan nidhaahnaa. Marka in dad kuugu yimaado qofka halka ayaad ka beddeshee halkii ku celi, waa wax caadi ah, laakiin inta badan maslaxdda qaranka ayaan ka eegnaa,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Md Cabdicasiis Samaale oo la weydiiyey su’aal u dhignayd: “Dad badan ayaa ku dooda in Wasiir Samaale uga faa’iidaysto danihiisa siyaasadeed xilka uu hayo, maxaad ummada u ballanqaadi lahayd?”
Waxa uu Wasiirku su’aashaas kaga jawaabay, ”Horta qof walba oo xil haya waa la xag-xaganayaa, waa la ceebaynayaa, waa la cambaaraynayaa, xilkaa iska wata runtii, laakiin qofku wuxuu yahay Illaahay baa og, ummadda inteeda wanaagsanina way arkaysaa. Annaga maanta waxa na xagxagta kuwo wax-ma-tarayaal ahoo, fashilmayoo, guul-darraystayoo, halkay dalka dhigeen intaan ka soo qaadnay aanu maanta meel wanaagsan marinayno. Wuxuu naga sheego nin aad awalba ishayseen oo siyaasad isku hayseen ood siyaasad kaga adkaatay oo guul iyo goolal ka dhalisay, cay uu dibedda kaa caayo wax ay ku yeelaysaa runtii ma jirto. Xisbi siyaasi ah ayaannu nahay oo mucaarad adag soo maray oo cadow badan oo gudo iyo dibedba leh, markaa cadowgaa wuxuu yidhaahdo runtii dhegtaana waanu ka maqlaynaa, ta kalena waanu ka sii deynaynaa,” ayuu yidhi Wasiirku.
Isaga oo jawaabta su’aashaas sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Annaga waxa nalaga sheego waxay dhab noqonaysa marka wax-soo-saarkayaga iyo shaqada aanu qabanaa ay guulaysan weydo, way guulaysatay, ummadaa arkaysa, marka geeddigu wuu soconayaa, hadday doonaan ha qeyliyaan! Wax qiimo ah oo ay leedahay, nin fashilmay, nin hantida ummadan boobi jiray oo 47 Milyan dhaafin waayey, ood ka badisoo, maanta laba boqol oo milyan gaadhsiisay, ceebta iyo dacaayadda uu suuqa ka leeyahay. Markee wax la xadayey ma markii miisaaniyaddu 47 milyan dhaafi weyday mise maanta oo ay 200 Milyan Dollar gaadhay? Ma marka wasaaraduhu ay meelo dunsan joogeen oo guryo kiro ah ku jireen, mise marka maanta wasaaradihii dhismayaasha quruxda badan loo dhisay? Ma markii waddooyinka waddo keliyoo aad martaa aanay jirin, mise marka maanta dalku horumarka waddooyinka meesha la ogyahay ka marayo? Ma marka wasaarad keliyoo horumar loo sameeyey aanay jirin, mise marka E-passport, iyo wasaaraddii Kaluumaysiga, tii xanaanada Xoolaha intaasoo mashruuc oo kala duwan aanu ka samaynay? Ma marka Burco iyo deegaamadeeda lacagtii Giimbaarta lagu isticmaali jiray, la dhaafin kari waayey ee lagaga beddeli kari waayey, mise markii dawladdu lacagtaa intay beddeshay ay tii saxda ahayd dalka gaadhsiisay? Ma marka derejadii ciidamadda lagu dhawaaqi kari waayey ee la samayn kari waayey, mise markii derajada ciidamada la sameeyey ee weliba mushahar lagu siiyey ciidamadii? Jawaabaha su’aalahaa ciidda ka badan shacbigaa ka jawaabaya, qofka caqliga leh ayaa ka jawaabaya! Qofka khaa’inka ahaa ee khaa’ininmadiisi aad caddeysay inaan u jawaabno runtii uma baahna.”
“In badan ayaan saxaafada ka maqalaa dad caytamaya, dadka leh Madaxweynahu ha iscasilo oo shaqada haka tago, Madaxweynahu wuu guulaystaytee adigu wax-ma-taraad tahay waxba qaban waydee, maxaad Madaxweynaha wax uga sheegaysaa? Sannad walba intaan agoomaha u kordhino ama ugu darno miisaaniyadda way ka muuqataa, sannadka 2015 meel kasta oo agoomaha ah miisaaniyadoodii labanlaab ayaan ka dhignay. Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo way ka badisay cid kastoo ka horeysay, markaa wanaagaa ay qabatay kuwuu ceebta ku yahay, ee fadeexadahoodii dibedda soo dhigtay ayaa hadlaya, inaan u jawaabnana ma muddna. Wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha kale kala duwani wanaag kastoo ay qabteen Madaxweynaha ayey u noqonaysaa, sababtoo ah hogaamiyaha dadku waa isaga, annaguna waxaan nahay gacan-yareyaashiisii iyo kooxdii la shaqeynaysay Madaxweynaha, waxaanan qabna inaan si wanaasagn ula shaqeynay meel wanaagsana aanu gaadhsiinay oo dalkani marayo. Horumarka aanu samaynay waa noo guul madaxweynahu gaadhay oo doorasho walba ku geli karo, cid walbana kaga adkaan karo,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment