Warka ayaa intaas ku daraya in Labadan qof lagu qabtay xadka u dhexeeya Syri Lebonan xilli ay ku safrayeen Baasaborro been abuur ah.Wargeys fadhigiisu yahay Beirut, Assafir, ayaa sheegay in la xidhay dhowr maalmood ka hor iyagoo u gudbayay Lebanon oo sitayna waraaqo been abuur ah, waxaana su'aalo lagu weydiinayaa xarumaha wasaaradda difaaca.
Dowladda Islaamka ayaa afduub ku haysata ciidamo Lebanon ah, waxayna ku hanjabeen inay dilayaan dhawaan, maadaama ay Lebonan gacan saar la leedahay dalalka reer Galbeedka.
Arrintan ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen Sirdoon Dibadeed, maadaama ciidanka ammaanka Lebonan aanay Awood u lahayn inay Arrimahaas oo kale Kashifaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment