Tuesday, December 16, 2014

Guddoomiye Cirro Oo Baaqyo Waayeelnimo leh usoo Jeediyey Bulshooyinka Bariga iyo Galbeedka Somaliland, Xukuumaddana Farriin u diray

Hargeysa:Dec,16,2014(Himilo)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa Maanta Ka Hadlay xiisadaha kasoo kordhay Deegaanada Bariga iyo Galbeedka somaliland, waxana uu baaqyo nabadeed ukala diray Bulshooyinka ku dhaqan deegaanada Dhiilladu ka taagan tahay Haatan.

cirroGuddoomiye Cirro oo saxaafadda kula Hadlay Xafiiskiisa ku yaalla Golaha Wakiillada, ayaa reer Awdal si gaar ah u xasuusiyey Doorkii ku lahaayeen Aasaaskii somaliland iyo sida ay uga soo qaybqaateen Shirarkii dhidibada loogu taatay, waxana uu usoo jeediyey inay ilaashadaan Tacabka ay wakhtiga Badan soo geliyeen,

“Waxaan jeclahay inaan baaq nabdeed u soo jeediyo shacbiga reer Awdal, gaar ahaan degmeda Borama. Waxaan dhamaanteen ka warqabnaa in shacbiga reer Awdaal gaar ahaan magaalada Borama ahayd lafdhabarta tiirka nabadeynta iyo dhismaha dawladnimada cusub ee Somaliland. Waxaan shacbiga , ugaasyada, salaadiinta. culimada, dhallinyarada iyo haweenka reer Borama u soo jeedinayaa baaq nabdeed iyo in xalaadda hadda taagan la dejiyo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay u dhego nuglaato tabashada reer Awdal oo dhawr jeer Madaxtooyada soo gaadhay, waxana uu yidhi,

“Shacbiga reer Awdal waa reer Somaliland horena umay noqon haddana ma noqonayaan wax aan ahayn Somaliland. Wixiise cabashooyin ah iyo tabashooyin ah ee ay horena ugu soo gudbiyeen odayaasha gobolku hadana taagan waa in xukuumadu siisaa mudnaanta ay leedahay arrintaasi.”

Waxa uu Gudoomiye Cirro Xukumadda ugu baaqay inay wada hadal ku xalliso xiisadda Awdal, soona dayso Xildhibaanada Degaankak ee xidhan “Waxaan xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in xiisadda ka taagan hadda Borama in sidii Somaliland u dhaqanka ahayda lagu dhameeyo wadahadal , wadahadalkana la siiya fursad iyo waqti . Waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa in la soo daayo oo xoriyadooda loo soo celiyo labada xildhibaan ee ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmada BORAMA oo sharcigu siiyey xasaanadda lagana soo xidhay magaalada Borama, Suldaanka Abubakar Cilmi Wabar waxaan u soo jeedinaya in dalkiisa iyo dadkiisa u soo noqdo, lana talo noqdo.”

Dhanka kalena Beelo Degaamada Sanaag shaqaaqo ku dhex martay ayuu ugu baaqay ilaalinta amaanka “Beelaha walaalaha ah ee wada daga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceerigaabo, waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadeed. Wixii inaga dhintay waan tacsiyadeynayaa ehelkii iyo qarabaadii iyo shacbiga reer Somaliland. Waxaan u soo jeedinayaa labada dhinac in arrinta wada hadal iyo walaaltinimo lagu dhameeyo.”

Himilo Media

No comments:

Post a Comment