Haweenaydan oo lagu magacaabo Gill Rosenberg ayaa la sheegay inay tahay haweenay yuhuud ah oo heysata dhalashada Isra’iil iyo waliba Canada, waana haweenaydii ugu horeysay oo reer Galbeed ah oo dalka Siiriya u tagta inay ku biirito kooxaha Kurdida ee dagaalka kula jira kooxda IS (ISIS).Dowlada Canada ayaa sheegtay inay baadhitaan ku waddo warka ay shaacisay kooxda ISIS.
Waxaa jira tiro dad reer galbeed ah oo u badan oo ka yimid dalal ay ku jiraan Maraykanka, Canada iyo Ingiriiska oo si toos ah ugu biiray kooxaha Kurdida ee dagaalka kula jira kooxda ISIS.
Balse waa markii ugu horeysay oo haweenay usoo dagaaltagtay Siiriya ay gacanta ku dhigaan kooxda ISIS.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment