
Garsooraha Maxkamadda Xuquuqda Aadamaha Yurub, waxa uu xukunkiisa u daliishaday isaga oo sheegay in dawladda Faransiisku ay ragga budhcad-badeedda ah Xabsiga ku sii hayeen 48 saacadood oo dheeraad ah. Kooxda budhcad-badeedda Soomaalida ah, ayaa sannadkii 2008-dii weerar ku qaaday laba Markab-dalxiis oo laga leeyahay dalka Faransiiska, waxaanay in muddo ah afduub u haysteen muwaadiniin Faransiis ah oo maraakiibtaas saarnaa.
Haseyeeshee, Milatariga dalkaasi ayaa laba hawl-gal oo ay ka fuliyeen Xeebaha Soomaaliya ku qab-qabtay budhcad-badeedda, ka dib markii la-haystayaashii u af-duubnaa lagu sii-daayey Madax-furasho kala ah 2.1 Milyan Dollar oo kooxda hore lagu sii daayey iyo 2 Milyan oo Doollar oo la-haystayaasha kale laga bixiyey.
Kooxdan budhcad-badeedda ah oo ciiidamada Faransiisku ku qab-qabteen laba hawl-gal oo kala duwan, ayaa qayb ka mid ahi muddo Afar maalmood ah ku sii jirtay gacanta ciidamada, halka kooxda kale ay ciidamadu gacantooda ku hayeen muddo lix maalmood iyo 16 saacood ah, ka hor intii aan la geynin waddanka Faransiiska.
Laakiin 48 saacadood dheeraad ah oo ay ku xidhnaayeen gudaha dalka Faransiiska, ayay Maxkamaddu sheegtay inay meel-ka-dhac ku tahay Xuquuqda Madax-bannaanida iyo Ammaanka ee Budhcad-badeeddu ku heli lahayd Go’aamadii lagu gaadhay Shirweynihii Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub, maadama ay ku xidhan yihiin waddan ka tirsan Midowga Yurub.
Markaabiibta ku socdaala Badweynta Hindiya, ayaa khataro badan kala kulmay kooxo Budhcad-badeedda ah oo ka qawlaysta Xeebaha Soomaaliya, haseyeeshee hawl-gallo caalami ah oo Ciidamo ka kala socda adduunku ka fuliyaan gobolka, ayaa sababay inay hoos u dhacaan weerarradii kooxaha budhcad-badeedda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment