
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa saf ku codeynayay, waxaana kuraasta baarlamaanka uu ka koobnaa 7 saf, iyadoo howl wadeenada Baarlamaanka ay si taxadar ku jiro ay u tirinayeen cododka Xildhibaanada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali ay weyday codka kalsoonida Baarlamaanka.
Mr Jawaari ayaa sheegay in 235 xildhibaan oo soo xaadirtay kulanka ay 153 u codeeyeen mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada, halka 80 xildhibaan ay diiday, laba xildhibaan ka aamustay.
Ra’iisul Wasaaraha kalsoonida ka waayay baarlamaanka ayaa xilkan loo magacaabay 12-kii bishii December ee sanadkii hore, wuxuuna xilka ka degayaa muddo sanad ku dhow oo uu xilka hayo.
Sanadkii hore bishan oo kale Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waayay codka kalsoonida Baarlamaanka, iyadoo ay aheyd 2-dii bishii December, dad badan ayaa aaminsan in Baarlamaanka uu ahaa kan udub dhexaadka u ahaa soo afjarida khilaafka Madaxda dowladda.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment