London, 06 Dec, 2014 (Himilo)- Mr. Maxamed Yuusuf oo ah mulkiilaha shirkadda Sahaminta shidaalka ee Invicta Capital Ltd oo saami ku leh Block Oodweyne, ayaa sheegay in bulshada Somaliland ka aamin baxeen hadalka beesha caalamka, xilligana u jeesteen inay kobciyaan dhaqaalahooda si ay aqoonsiga dalka u kasbadan.


“Hadii la doonayo in Soomaaliya hagaagto, waa in Somaliland qeyb ka noqotaa xalkaa. Qoshayaasha Somaliland ku doonayso in sahamin lagaga sameeyo dalkeeda ee gobolada Barigu wuxuu keenayaa burburkii Somaliland,” sidaas ayuu buuggiisa ku sheegay.
Haseyeeshee, Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiyaha shirkada sahaminta shidaalka Invicta Capital Ltd, ayaa si adag u naqdiyey qoraaga buuga, isla markaana sheegay in xumaan kasta oo laga sheego Somaliland aanay dadkiisa ku keenayn niyadjab ay kaga hadhaan halganka ay ugu jiraan ka midho-dhalinta aayaha dalkooda.
“Shacabka Somaliland 23 sannadood ayey u halgamayeen gaadhitaanka madaxbanaanidooda, haddii qof buug boqolaal xaashiyaadood gaadhaya uu ka qoro wax aan sax ahayn Somaliland annagu ma qiimaynayno,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.
Mar uu ka jawaabayey Gudoomiyaha Invicta Ltd su’aal laga weydiiyey inay Somaliland tahay dal siyaasadiisu jilicsan tahay, sida qoraagu buuggiisa ku sheegay, waxauu yidhi, “Dad badan ayaa marka ay ka hadlayaa xaalada Somaliland ku tilmaama dal jilicsan, basle taasi waa arrin xilli hore aanu ka soo gudubnay, way jiraan caqbado yimaada laakiin waxaanu leenahay nidaam aanu ku dhamayno, taasoo ka dhigtay wadan siyaasadeedu caafimaad qabto guud ahaan Afrika. Waxaan ka codsanayaa qoraaga inuu dib ugu noqdo adeegsiga ereyga ‘Waddan jilicsan.”
“Fekerka Soomaalidu waa bulsho luuqad iyo dhaqan wadaaga, waxaan odhan karaa sidii Winston Churchill, Somaliland iyo Soomaaliya luuqadooda iyo dhaqankooduba wuu kala duwan yahay, markaa taasi ma noqon karto dood xoojinaysa midnimo dhexmarta,” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.
“Hore waxay bulshada reer Somaliland ku doodi jireen waa inaan maxadbanaani helnaa, balse markii ay ogaadeen iska indho tirka beesha caalamka, xilligan dadkayagu gaadheen marxalad ay fahmeen inaan waddana ama Ingiriis ama Turki, ama Maraykan ha ahaattee, aanu aaminaad lahayn, kana filayn aqoonsi, dibna uga baryeyn.
Annagaa is-aqoonsan, xaalad kasta oo ka soo korodha Soomaaliyana, horumarka Somaliland wuu socon doonaa. Waxay bulshada Somaliland yaqiinsadeen haddii ay kobciyaan dhaqaalahooda ama aqoonsigu ha yimaado ama yaanu imane noqon doonaan wadan sida Taiwan oo dalna aanu aqoonsanayn,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Yuusuf oo ka qayb-galay Kulan lagu soo bandhigay buugga uu qoraagani ku aflagaadeeyey Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment