Saturday, December 6, 2014

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyey Khasaare Xooggan oo ka dhashay Qaraxyo Gilgilay Baydhabo

Tirada Siyaasiyiin iyo Weriyeyaal ee ku geeriyooday

Baydhabo, 06 Dec, 2014 (Himilo)- Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku dhintay 28 kalena way ku dhaawacmeen laba Qarax oo is-xigay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee Caasimadda Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya gelinkii dambe ee Jimcihii shalay. Dadka dhintay waxaa ku jira laba Suxufi, halka saddex Weriye oo kale ay ku jiraan dadka dhaawacmay.
BAYDHABOQaraxyada ayaa ahaa laba Qarax oo midka hore uu ahaa qof soo xidhay Jaakeed walxaha Qarxa ku xidhanyihiin, ayaa isku qarxiyay Makhaayad ku taal badhtamaha magaalada Baydhabo, iyadoo wax yar ka dib gaadhi kale oo waxyaabaha qarxa laga soo buux-dhaafiyey uu ku qarxiyay dibedda Makhaayaddaasi oo ka mid ahayd Makhaayadaha dadweynuhu isugu yimaaddaan.
Illaa hadda waxa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 11 qof iyo dhaawuca ugu yaraan 28 Ruux oo kale, kuwaasoo dadka dhintay ay ku jiraan 2 Weriye, halka 3 Suxufi oo kalena dhaawaca ku jiraan sida uu Xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Bay ee Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow.
Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Bay waxa uu intaas ku daray in dhaawaca iyo dhimashada ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo Saraakiil dawladeed. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in baadhitaan xooggan ay wadaan Ciidammada Ammaanka iyo Hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh arrimaha Ammaanka.
Dhaawacyada 28-kan qof ee isugu jira Weriyeyaasha, Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee magaalada Baydhabo iyo Cusbitaal ay Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dawladdaha Uganda iyo Itoobiya ka socda ee magaaladaas ku sugani ay gacanta ku hayaan, sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hooso oo u warramay VOA-da.
Allaah Naxariistiisa Janno haka waraabiyee Weriyeyaasha la dilay ee Qaryadaas shalay ku dhintay waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Axmed Mayow (Cabdiqaadir-Maynot) oo ka hawlgalayey Telefeshinka Somali Chenal oo uu u joogay ama uga warrami jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo ahaa Agaasimihii hore ee Idaacadda Radio Baydhabo.
Bishii May ee sanadkan 2014 ayay ahayd markii Qarax is-miidaamin ahaa isla Makhaayadda shalay la qarxiyey lala beegsaday, waxaana Al-shabaab oo sheegatay weerarkaas bishii May ay sheegeen inay bartilmaameedsanayeen Wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Maamul-goboleedkii lixda gobo lee Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Cabdifataax Geeseey, balse ma jirin wax khasaare ah oo kasoo gaadhay weerarkaas. Hase-yeeshee, weerarkan oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ka dambaysay, ayaanay weli ka hadal kooxdaasi, waxaanu weerarkan Jimcihii shalay noqonayaa weerarkii labaad ee Qaraxyo ah ee ka dhaca magaalada Baydhabo intii lagu jiray sannadkan 2014-ka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment