Thursday, December 4, 2014

“Wuxuu igu yidhi ‘lacagbaan sitaa, dawladdiinana waan qallibi karaa’, maalintaas…”

Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland
Hargeysa, 04 Dec, 2014 (Himilo)- Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xaaji Cali (Sablaale), ayaa hadlay ganacsato u dhalatay dalka Yemen oo cabasho ka muujiyey tacaddiyo ay sheegen in taliyuhu kula kacay, waxaanu sheegay inay ku kaceen hanjabaado ay ku waxyeellaynayaan ammaanka dalka.
Basaam Cawad Cali oo ah ganacsade u dhashay dalka Yemen oo sida taliyuhu sheegay dalka ka dhoofiyo Iskaraabka ay shuraako ku yihiin ganacsade dalka u dhashay, ayaa warbaahinta u sheegay todobaadkan inuu tacaddiyo xadhig iyo hanjabaad isugu jira kala kulmay taliyaha oo uu ku eedeyey inuu uga hiilinayo ganacsade kale oo kiiska dacwad ka dhaxaysa ka socoto Maxkamadda Gobolka Saaxil.
taliyahaHaseyeeshee, taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha loo jeediyey, isaga oo sheegay in ninka ganacsadaha Ajaanibka ahi ku kacay falal waxyeello u geysanaya ammaanka dalka, taasina ay sababta inuu muddo kooban ku xidho xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa.
Taliyaha waxa uu sheegay inuu ninka ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Basaam Cawad uu Somaliland wakiil uga yahay shirkad kooto ku haysata dhoofinta Israabka dalka, isla markaana uu ka dacweeyey ciddii masuulka ka ahayd oo uu sheegay inay isla af-garteen in dalka laga mastaafuriyo.
Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Laba Cisho ka hor ayay Halkan iigu yimaaddeen isaga iyo koox ay wada-socdaan. Ka dib markaan su’aalo weydiiyey, wuxuu igu yidhi dawladba ma tihidin, lacagbaan sitaa, dawladdiinana waan qallibi karaa, maalintaas waan xidhay arrinkaas awgeed. Haseyeeshee, kafiilkiisii ayaanu ka wada-xaajoonay. Markaanu kafiilkiisii wada-hadallay, wuxuu kafiilkii soo qoray warqaddaas oo ah in waddanka laga saaro maadaama uu erayadaas ku kacay oo uu khal-khal ammaan waddanka ku hayo. Markii warqadda lanoo keenay, waan ogeysiiyey inuu Kafiilkiisii keenay warqaddii wakiil-kala-noqoshada.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Nin ajnabi ah oo ka shaqaysta dalka inuu dhiirranaanta intaas le’eg ku kaco, xeerka ama qodobka ciqaabeed ee uu leeyahayna waanu marinaynaa kalamana hadhayno, hay’adda u xil-saaranina waa annaga.”
Taliyaha oo ka hadlayey nooca ganacsi ee Ninkani ka qabto dalka, waxa uu yidhi, “Ninkani wuxuu dhoofiyaa baytariyada kharaabka ah, iskaraabka, naxaasta, waxaanuu urursadaa, lamana yaqaanno meel uu geeyo, weli Kootaa ugu xidhan oo isaga mooyee cid kale ma dhoofin karto.”
Mar la weydiiyey cidda ogolaanshiyaha u siisay ganacsigiisa, waxa uu sheegay inay shuraako yihiin ganacsade dalka u dhashay, isla markaana ay ogolaanshiyaha ka haystaan wasaaradda Ganacsiga. Ninkanina dalka khal-khal ammaan-darro ayuu ka sii wadaa, looma baahna inuu joogo.
Taliyaha oo la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo tacaddiyo uu sheegtay Ganacsadaha Yemeni-ga ahi inuu kala kulmay, waxa uu taliyuhu ku jawaabay, “Maya, annagu wax tacaddi ah ma geysanno. Waxaanu nahay ciidanka Socdaalka, qofka waxaanu weydiinnaa sharciyaddiisa.”

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment