Wednesday, August 12, 2015

DAAWO: Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada Oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Madaxtooyada

 

Hargeysa August 12,2015(Himilo)-Guddida joogtada ee golaha wakiilada ayaa saaka kulan albaabadu u xidhanyahay la yeeshay wasiirka Madaxtooyada somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan.

Markii uu soo dhamaaday kulan waxaa warbaahinta uga warbixiyay ujeedada kulankan Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sheegay in ay wasiirka madaxtooyada ugu yeedheen si ay wax uga waydiiyaan jidh dil madaxtooyada loogu gaystay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Dhinaca kale wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa isna ka warbixiyay sida ay isku afdhaafeen xildhibaanka iyo ciidamada ilaalada madaxtooyadu, isagoo meesha ka saaray inaan xildhibaanka la Jidh dilin balse dib loo tuuray isla markaana aanu waxba qabin imika.

Warkan oo faahfaahsan Halkan Ka Daawo:


Himilomedia.com
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment