Hargeysa August 12, 2015(Himilo)-Saddexda xisbi qaran iyo guddoomiyaha maxkamada sare ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay xarunta maxkamada Dastuuriga.
Kulankan ay wadayeesheen xisbiyada Qaranka iyo gudoomiyaha maxkamada sare ayaa lagaga tashanayay go’aankii mudo kordhinta ee guurtida iyo heshiiskii axsaabta qaranka oo dalka ka abuuray khilaaf siyaasadeed oo mudo soo jiitamay.
Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Siilaanyo ayaa todobaadkii hore maxkamada sare u gudbiyay dalab uu kaga codsanayo inay soo kala saarto Heshiiskii xisbiyada qaranka iyo mudo kordhinta guurtida mida waafaqsan sharciga.
Kulan saacado qaatay kadib ayaa waxaa saxaafada u faahfaahiyay ujeedada kulan guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe “Waxaanu u mahadcelinaynaa Maxkamada Sare,Way noo yeedheen waad ogtihiin in madaxwaynuhu usoo gudbiyay si ay tafsiir uga bixiyaaan Go’aamadii la isku hayay Kii Guurtida iyo kii sadexda xisbi iyo xukuumadu wada saxeexdeen, markaa waxay noogu yeedheen wadatashi”Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayay afka saddexda xisbi.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu intaasi raaciyay “Waa Ilaahay mahadii,in saddexdayadii xisbi aanu isku raacnay in maxkamadu ay ixtiraanto go’aankii aanu sadexdayada xisbi wada Saxeexnay, ee ahaa 2016 doorashadu inoo dhacdo”Ayuu Yidhi
Geesta Kale waxaa isna dhinaciisa ka hadlay kulankan Guddoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xali Cali oo sheegay in maxkamadu wadatashi la samaynayso dhinacyada ay doorashadu khusayso “Sidaad la wada socotaan 8 Bishan aynu ku jirno ayuu madaxwaynaha usoo gudbiyay codsi fasiraad maxkamada dastuuriga ah, oo ku saabsan qaabkii dastuuriga ahaa ee golaha guurtidu ugu kordhiyeen doorashada ay xadideen iyo soo jeedintii saddexda xisbi, Markaa sidii aanu arintaa tafsiir uga bixino haayadaha ay khusayso ee dastuuriga ah ayaanu u yeedhnay oo aanu wadatashi la samaynay”Ayuu Yidhi Guddoomiyah Maxkamada Dastuuriga Somaliland.
Saddexda Xisbi Qaran ayaa iyagu rajo ka muujinaa in maxkamada sare ay fuliso heshiiskii axsaabta qaran iyo xukuumada.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment