Sunday, August 9, 2015
Guddiga Horumarinta Beelaha Ciidagale oo ka warramay Deegaanno ay Kormeer ku soo mareen, Xukuumaddana Baaq culus u jeediyey
“Dawladda waxaannu ugu baaqaynaa inay wax ka qabato ninka Wershadda Karasharka ku dhex leh Madaarka Maatida bilaa magdhawga laga raray…” Xubno Guddiga ka tirsan
Hargeysa, 09 August, 2015 (Himilo)- Guddiga guud ee horumarinta Beelaha Ciidagale, ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay in dad deegaan ku ahaa sannado badan Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa oo Shacab ah laga raro, Nin Ganacsade ah oo Wershad Dhagaxa Ridiqda oo Jay ka samaysana gudaha Xayndaabka Madaarka la soo geliyo oo uu ku shaqaysto.
Guddiga Horumarinta Beesha Ciidagale waxa kale oo ay ka hadleen kormeer ay ku soo mareen qaar ka tirsan deegaannada hoos taga degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex, kuwaasoo ay sheegeen inaanay haba-yaraatee Xukuumadda talada haysaa wax baahiyaha aasaasiga ah ka mida oo muuqda aanay ka hirgelin, balse keliya ay cashuur uun ka qaaddo dadkaas, iyagoo ugu baaqay inay Xukuumaddu sida ay deegaannada kale ee dalka uga fuliso mashaariicda kala duwan ee horumarinta iyo adeegyada bulshada uga hirgeliso deegaannada ka tirsan degmada Sallaxlay. Waxaanay sidaa ku sheegeen mar ay xalay la hadleen Wargeyska Himilo.
Chief Caaqil Xuseen Xasan Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Guddiga horumarinta Beelaha Ciidagale oo arrimahaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Anigoo ah Chief Caaqil Xuseen Xasan Cali Waraabe, ahna Guddoomiyaha Guddiga guud ee horumarinta Beelaha Ciidagale, waxaan halkan ka sheegayaa arrin ka dhacday xayndaabkii loo sameeyey Madaarka Hargeysa oo mushkiladi weli ka taagan tahay, arrintaasi waxa weeyaan caddaalad-darro ka dhacday dadkii Masaakiinta ahaa ee degganaa meesha waa laga raray, waxase jira nin la yidhaahdo Cabdirisaaq oo xayndaabka Garoonka diyaaradaha Hargeysa gudihiisa weli ku haysta Wershad Jayga soo saarta oo ay dawladdu meesha ku hayso oo ku ilaalinayso, sifo sharci-darro ahna ku deggan. Haddaannu nahay Guddigii Beesha waxaannu u aragnaa caddaalad-darro, dadkii kale ee meesha laga rarayna wax magdhaw ah oo la siiyey ma jirto.”
“Waxa kale oo jira dhul aannu soo marnay oo soo kormeernay oo ay ka mid yihiin Ina-Igarre, Balli-Ciise, Higlada iyo deegaanno kale oo ka tirsan kuwa degmada Sallaxlay hoos-yimaadda, kuwaasoo dhibaatooyin badan oo dhinacyada baahiyaha aasaasiga ah ee Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo wixii la mid ahba ka qatan oo aanay dawladdu waxay u qabatay jirin, waxaannu leenahay dawladda dadkaasi waxay xaq u leeyihiin in wax loo qabto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga horumarinta Beelaha Ciidagale.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddigaas Caaqil Xasan Ibraahin Xuseen, ayaa isaguna sheegay in ay caddaalad-darro tahay in dadkii degganaa ee deegaanka ku ahaa halkaas laga raray, haddana Ganacsade la dejiyey, waxaanu yidhi; “Madaarka waxaannu ku aragnay sifo aan sharci ahayn oo loo deggan yahay oo ay ku dhex-taallo xayndaabka lagu xidhay Wershadda Karasharka oo uu si gaar ah nin Ganacsade ahi u leeyahay. Madaarka Hargeysa waxa weeye meesha ugu weyn ee ay tahay in Somaliland bilicdeeda iyo quruxdeeda hagaajiso ee ay ku soo dhawayso dadka ajaanibka ah iyo kuwa waddaniga ahba, waxa jirta in meeshii Wershaddaasi ay qodqodday oo ay kala baxdo dhagaxanta waa wayn ee ku jirta oo ay fool-xumo waddo. Meeshaasi waa meel dadweyne laga qaaday, markaa waxaannu leenahay inay shacab kale dawladdu dejiso raalli kama nihin ee dawladdu wax haka qabato arrintaas.”
Afhayeenka Guddiga horumarinta Beelaha Ciidagale Caaqil Khadar Maxamed Axmed, ayaa isaguna arrintaas iyo arrinta kormeerkoodaba ka hadlay, isagoo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga ku taageeray qodobkaas Madaarka. Waxaanu faahfaahin ka bixiyey dhibaatooyinka ka jira deegaannada ay soo kormeereen.
“Xaaladda deegaannada aannu socdaalka ugu baxnay oo ah illaa Labi-sagaal ah, Ina-Igarre, Balli-ciise iyo kuwo kale, kuwaasoo Odayaashii deegaanka markaannu la kulannay ay noo sheegeen dawladdu Cashuurta oo ay ka qaaddo mooyee inaanay jirin wax ay u qabataaba. Waxyaabaha ay ka cabanayaan ee waxaa ka mid ah Isuullada oo goobaha qaar aan ku oollin, kuwa ay ku yaallaanna laba laba fasal ah, Caafimaadka oo aanay haba-yaraatee goobo caafimaad ku oollin, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo aan goobo ku lahayn lagu daryeelo Xoolaha iyagoo dadkuna Xoolo-dhaqato ah, Biyaha oo kale oo xilligan oo kale abaar lagu jiro oo aanay deegaannadaas ka jirin wax Ceelal ah ama Riigag ah. Markaa, waxaannu annagoo Guddiga guud ee Beesha ah waxaan leenahay oo Xukuumadda u soo jeedinaynaa, ha hesho Beeshu waxa ay xaqa u leedahay ee maalin walba deegaannada kale ee gobollada iyo degmooyinka dalka laga fuliyo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga horumarinta Beelaha Ciidagale Caaqil Khadar Maxamed Axmed.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment