
“Muddo-kordhinta annaga madaxweynuhu nagama dalban, golaha wakiilladuna nagama dalban, laakiin annaga sharcigaa na faray, waxa sharcigu na farayna, waa waajib aanu gudanayno. Sharcigu nama farayo inaanu madaxweynaha weydiinno oo nidhaahno Intee baa doonaysaa oo ku kalsoon tahay (Muddo-kordhin), taasna ma samayno annagu,” Sidaas ayuu yidhi Siciid Jaamac oo shalay u warramay telefishanka HCTV.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay haddii uu mad-madow ku arkay go’aankayagii qodobbada aanu cuskannay qaybo ka mida ama dastuurka ka hor-imanayo inuu mar kaas u gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga oo ah ta qudha ee tafsiir ku samayn karta wixii sharciga ku saabsan ee hay’adaha dowladdu ku kala shakiyaan.”
Mar Guddoomiye Siciid Jaamac la weydiiyey inay ku qancayaan go’aamada ka soo baxa Maxkamadda Sare, waxa uu yidhi, “Maxkamadda Dastuuriga ahi waa maxkamadda dastuurku u fasaxay, dastuurkuna waa sharciga ugu sarreeya dalka, waanu ku qanacsanahay, sababta aanu ugu qanacsanahayna waa weeyaan kalsoonida aanu maxkamadda ka qabno oo ah inaanay xukumaynin wax sharci-darro ah oo dastuurka iyo xeerarka dalka wax u dhimaya.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa 8-dii bishan August u gudbiyey Maxkamadda Sare warqad uu ka codsaday tafsiir sharci oo lagu sameeyo Heshiis xal-siyaasadeed lagu sheegay oo Xisbiyada iyo Xukuumaddu xilliga doorashada ugu muddeeyeen bisha December ee sannadka 2016-ka iyo Muddo-kordhinsannad iyo 10 bilood ah oo Guurtidu qalinka ugu duugtay Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, taas oo xilliga doorashada ku riixday badhtamaha sannadka 2017-ka. Codsiga madaxweynuhu u gudbiyey Maxkamadda Sare ayaa yimi kaddib markii Guurtidu ku gacan-saydhay soo-jeedin madaxweynuhu kaga codsaday inay muddo-kordhintooda ku saleeyaan heshiiska dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment