Hargeysa August 9, 2015(Himilo)-Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cabdi Aadan Iskeerse ayaa madaxwaynaha usoo jeediyay inuu adeegsado awoodihiisa oo aanu waxba ka dhageysan odayaasha aqalka guurtida.
Mr Iskeerse waxaa uu sheegay in madaxwaynaha Somaliland umadu dooratey isla markaana uu haysto awooda shacabkii doortay loona baahanyahay inuu adeegsado awoodaha uu dastuurku siiyay oo aanu waxba umada u waydiin odayaasha guurtida oo intooda badani ku jooga dhaxal.
Siyaasi Iskeerse waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in go’aanadii madaxwaynaha ay ka horyimaadaan odayaal reernimo iyo dhaxal ku jooga oo guno ka qaato dawlada.
Maxamed Iskeerse Oo maanta warbaahinta kula hadlay gurigiisa ayaa sheegay “Madaxwaynaha umada oo dhanbaa dooratay, fowd shacbi oo wayn ayuu ku fadhiyaa,Waxaad quusanaysaa marka aad aragto odey yar oo reerkoodu keenay guna yarna dawlada ka qaata oo odhanaya waxaad sheegtay waxba kama jiraan waa nasiib daro”Ayuu Yidhi Iskeerse.
Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse waxaa uu madaxwayne Siilaanyo usoo jeediyay in uu adeegsado awoodihiisa “Madaxwaynuhu wuxuu haystaa awoodii shacbiga markaa waa inuu adeegsadaa awoodihiisa inan yar oo dhaxal ku yimid ayaa diiday waa laga wanaagsanyahay”Ayuu Yidhi Iskeerse.
Mr Iskeerse waxaa uu carabka ku dhuftay in wasiiradu xukuumadu midba gees wax ula socdo oo aanay wada socon “Dawlada Lafteedii wasiiradii oo aanay jirin tijaah qudha oo ay leeyihiin oo midba gees iyo dhan u cararaayo, Qorshe samaysan ama formal la leeyahay halkaa siyaasad midaysan halaga qaato ma jirto, nin waliba waxaa uu ku fikiro ayuu meesha la cararayaa “Ayuu Yidhi Iskeerse.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment