Waxay ahayd uun xalay markay xukuumadu u samaysay casho iyo caweys qurba-jooga ku sugan waddanka oo inta badan iska caado noqotay sanadadan dambe in loo qabto kulan aan micnihiisu dhaafsiisnayn casho iyo heeso lagu ciyaaro. Inkasta oo qurba-joogu ay yihiin qayb aad iyo aad u mihiima marka loo eeggo qoys ilaa qaran isla markaana ay abaal gooni ah ku leeyihiin siyaasiyiinta oo dhan, haddana wakhtigan loo sameeyay caweysku sida aynu wada ogsoonahay wuxuu ku soo beegmayaa wakhti adag oo ay dalka ka jiraan abaaro iyo haraad gaadhay in gudaha waddanka ay ku geeriyoodaan muwaadiniin dhawr ah halka qaar kalena qarka u saaran yihiin geeri wadka lama baajiyee.
Sidaa darteedna filashada dadweynuhu ay ahayd in wakhtigan ay ka duwanaan doonto casuumadihii hore ee loo samayn jiray laba sababood awgoodba waa mide maadaama aanay kuwii hore lahayn qorshe iyo wax ka soo baxa toona in sanadkan wax ka badal lagu samayn doono oo loo yeeli doono qorshe iyo tallo ka soo baxda oo qaranka wax u tarta, waa ta labaade haddiiba aan qorshe sidaa u sii gun dheer loo yeelina in lagala xaajoon doono ama lagala hadli doono sidii xaalada degdega ah ee biyo la’aanta ay gacan dhakhso ah uga gaysan lahaayeen isla markaana gurmadka loo xoojin lahaa balse tii may dhicin ee waxay noqotay uun tubtii hore loo samayn jiray.
Bal akhriste intaynaan maskaxda meel fog gayn aynu dul istaagno lacagta qurbo jooga lagula caweeyay ma tahay mid gurmadka wax ka tari lahayd intaan iyaga la odhan wax keena?
Jawaabtu waa haa oo ugu yaraan dadka xalay joogay ee la maamuusay ha ahaadaan qurbojoog iyo inta kale ee ay wateenba waxay ahaayeen ugu yaraan (4000) oo ruux waxaad qiimaysaa haddaba afar kun oo ruux cashadoodii, cuwaaftoodii, hoolkii, saxaafadii, fanaaniintii, shirkadii tabinta tooska ah fududaysay iyo kharashaadka kalaba. Tusaale ahaan haddii wadarta kharashka cashadu tahay 4000x15 = $60,000 waxaad ku dartaa kharashka kale oo aynu isugu soo celcelinay $ 20.000 wadarta guud markaa waxay noqonaysaa $ 80.000.
Haddii kharashkii aynu ka dhignay lacag ah sideetan kun oo doolar waxa meesha taala imisa booyadood oo biyo ah ayay goynaysaa lacagtaas?
Haddii taangiga qaada shanta foosto la siiyo ($6) booyada qaada 50foosto waxay noqonaysaa 50x$6=($300), haddaba waxaad u qaybisaa wadarta kharashka xaflada ku baxay inta lacagta booyada biyaha lagu iibiyo si aynu u helno inta booyadood ee ay lacagtaasi u iibin lahayd dadka haraadan $80,000/300=266.6666 tirada booyadaha biyuhu waxay inoo noqdeen 266 booyadood oo biyaysan haddii aynu foostooyin u badalnana waxay inoo noqonayaan (13,300) oo foosto, haddii intaas aad iga hayso imisa qoys ayay biyahaasi haddaba gaadhi lahaayeen? Kaba soo qaad qoys kasta waxaynu siinay hal foosto (1) waxaynu ku waraabin lahayn 13,300 oo qoys haddii qoys kasta la siiyo shan foostana waxay noqonaysaa 13,300/5 = 2660 qoys oo haraadanaa!
Intaasi waa intii xukuumadu ku bixisay maamuusida caweyska bal waxaad qiimaysaa iyadana laftigeeda haddii dadka kulanka ka soo qayb galay la odhan lahaa qof kastoow biyo dhaaminta dadka walaallihiin ee abaartu hayso waxaad ugu deeqdaa $10 imisa ayay noqon lahayd? Tirada dadku waxay ahaayeen 4000x$10= $40’000/300 = intaasina waxay u iibin lahayd 133 booyadood oo kale isla jeerkaasna booyad kastaa qaado 50 foosto oo dhigma wadar dhan 6,666 foosto oo biyo ah.
Markaynu isku gayno labadaas dhinac oo isku tagay inta xukuumada oo ah 2,660 qoys iyo qurba jooga oo ah 1,333 qoys, waxay xalay waraabin karayeen ku dhawaad 3,992 qosy oo haraad ugu bakhtiyaya dalka.
Haddaba akhriste, bal qiimee imisa qof oo dharagsanaana waynu maamuusnay imisa qof oo dhimasho qarka u saarana waynu hagranay! Jawaabtu akhriste waa xagaaga.
Haddaba masuuliyeenta ma garashaa, ma hagrashaa mise ka danayn la’aan iyada laftigeeda midkay ka tahayba waa xagiina akhristayaashoow!
Geesta kale, maamuusidane waxay dhiirigalin aan gabasho lahayn u tahay kordhinta tahriibta oo ah khatarta haysta dhalinta la dhayalsaday! Maadaama inta ka fikirkii dhalinta la dhaafay la dheel-dheelsiinayo kuwii shalay tahriibay iyo kuwii qaxa ku galay reer galbeedkaba!
Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment