Wednesday, August 5, 2015
Madaxweyne Al-Bashiir oo isu diyaarinaya Khudbad uu Maraykanka ka jeedin doono iyo ICC oo u xadhko-xidhanaysa qabashadiisa
Khartuum, 05 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay baadi-goobayso Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ee (ICC) oo ku eedeysay inuu galay dembiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha, marar bandanna Waaranno soo qabasho ah u jartay, ayaa qorsheynaya inuu u Safro magaalada New York ee waddanka Mareykanka Bisha soo socota ee September, si uu uga qaybgao Shir gaar ah oo lagaga hadlayo Horumarka Waddamada Caalamka; Sida uu Sheegay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan dalka Sudan.
Qaramada Midoobay ayaa Qabanaysa 26-ka September Shir Horumarka Caalamka lagaga hadli doono, kaasoo ay qayb ka tahay Suudaan, waxaana la sheegay in la doonayo in ay Madaxda Sudan ka hadlaan. iyadoo Shirkan looga hadli doonaa Horumarin Caalamka 15-ka sano ee soo socda.
Mar la weydiiyay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Sudan Xasan Hamid in Jen. Al-Bashiir uu ka qayb-galayo shirkaas iyo in kale, ayaa ku jawaabay; “Haa wuu ka qayb-galayaa.” Balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan. ICC waxay isu-diyaarinaysaa siday gacanta ugu dhigi lahayd Al-Bashiir haddii uu Maraykanka tago, halka uu Madaxweynaha Suudaan dhiniciisa isu diyaariyey inuu Khudbad ka jeediyo Shirka uu kaga qaybgalayo Maraykanka.
Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo furmaya 28-ka September 2015-ka ayey Sudan sheegtay inay ku matalayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Suudaan. Hase-yeeshee, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Suudaan Cali Al-Sadiiqi, ayaa isna xaqiijiyay arrintan, waxaanu intaas ku ladhay in Madaxweyne Al-Bashiir uu sannadkii 2013-ka doonayay inuu khubad ka jeediyo shir-madaxeedka Qaramada Midoobay, balse uu ka habsaamay Fiisihii uu ku tegi lahaa Mareykanka, taasoo sababtay inuu u safri waayo Mareyanka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda Maryekanka, ayaa isna u sheegay Warbaahinta in weli aanu soo gaadhin war ku saabsan in Cumar Al-Bashiir uu booqan doono New York bisha soo socota. Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dalka ee ICC, ayaa soo saartay Amar ah in lasoo xidho Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii. Hase-yeeshee, weli kumay guulaysan in la xidho
Waddamada Xubnaha ka ah ICC, ayaa loo gudbiyay codsiyo ku saabsan in lasoo xidho Al-Bashiir iyo Xubnaha kale ee ay doonayaan haddii ay dalalkooda booqasho ku yimaaddaan. Balse, dawladda Mareykanka kuma jirto dalalkii Saxiixay Heshiiska Maxkamadda ICC. Iyadoo Washington ay hore shaacisay in Madaxda Calaamka ay kasoo qaybgeli karaan Shirka guud ee Qaramada Midoobay.
Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa hore ugu gacan-saydhay Maxkamadda ICC, isagoo si caadi ah ugu safra dalalka Afrika, kuwa Bariga dhexe iyo weliba Eeshiya ama Aasiya. Laakiin, badhtamihii bishii Juun ee sannadkan 2015-ka ayay ahayd markii dalka Koonfur Afrika uu kasoo baxay, ka dib markii ay Maxkamad ku taalla dalkaas ku Amartay inuunu ka bixi karin Koonfur Afrika oo uu shir kaga qaybgalay, ka dib codsi ka yimid Maxkamadda ICC oo ahaa in la xidho dartii oo ay Maxkamadda Koonfur Afrika doonaysay inay fuliso, balse aanay u suuragelin in la qabto iyo in la hakiyo toona ee wakhtigii duullimaadkiisu ku ekaa si caadi ah uga soo dhoofay Caasimadda waddankaas.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment