Hargeysa August 4, 2015(Himilo)-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay xidhitaan xafiiska midowga yurub ku leeyahay magaalada hargeysa oo mudo labaatan sano ku dhaw ka furnaa dalka.
Midowga yurub ayaa shaaciyay in la dhimi doono kharaashaadka ku baxa xafiiska uu ku leeyahay somaliland iyadoo ay samayn doonaan shaqo dhimis.
Wasiirka arimaha Dibada maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in xafiiska midowga yurub ku leeyahay magaalada hargeysa la dhimi doono kharashaadka ku baxa isla markaana cadeeyay in ay ka guurin doonaan xafiiskan.
Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu meesha ka saaray in midowga yurub xafiiskooda loo xidhayo muranka siyaasadeed ee mudooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay xukuumada iyo axsaabta qaran oo ay xisbiyada mucaaridku sheegeen in xidhitaan xafiiskani daba socdo khilaafkaas.
“Xafiiska Midowga yurub waa xafiis cilaaqaad badani naga dhexeeyo oo aanu wadashaqayn wanaagsan leenahay in badana dalka ka jiray, wali warqad rasmiya nama soo gaadhin laakiin waxaanu ognahay in xafiiskaasi dhimayo shaqaalaha iyo kharaashaad xafiiska somaliland meel kalena u guurayo, si ay kharashkooda iyo lacagtooda u yareeyaan”AYuu Yidhi Wasiirka Arimaha Dibadu.
Wasiirku waxaa uu intaasi raaciyey “Qadiyadu waxay ku salaysan tahay in ay iyagu yareeyaan kharashaadkooda somaliland oo kaliyana maaha ee waxay shaqo dhimista ka wadaan xafiisyo badan oo dunida ku yaala”Ayuu Yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirku Biixi waxaa uu ku dooday inaan xafiiska loo xidhayn khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira iyo mudo kordhinta guuritada “Mucaaridku xaqbay u leeyihiin inay siday doonaan wax u fasirtaan, Haseyeeshee xaqiiqadu waxaa weeyi inaanay midowga yurub ku sababaynayaan bixitaankooda kharashaadka inagoo kaliyana maaha ee wadamo kale ayaa inala qaba”Ayuu Yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
HImilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment