Hargeysa August 5, 2015(Himilo)-Musharaxa madaxtinimo xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa carabka ku dhuftay in xafiiska midowga yurub ee Somaliland uu ahaa mid aynu ku xidhnayn dhaqaale iyo siyaasad ahaanba.
Musharaxu waxaa uu sheegay in waxqabadka ugu balaadhan ee dalka ka socda iyo mashaariicda ugu badan ay bixiyaan midowga yurub, isla markaana loo baahanyahay in dalka ay sii joogaan oo aanay ka bixin.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo saxaafada kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay “Midowga Yurub waxay ku dhawaaqeen in Somaliland ka bixi doonaan oo xidhi doonaan xafiiskoodii kali ahaa ee Hargeysa. Wuxuu ahaa xafiiskaasi ictiraaf dadban, muhiimad la ina siinayay iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa.”Ayuu Yidhi Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen waxaa uu sheegay in xukuumada ay ka caawinayaan si aanu dalka uga bixin midowga yurub “Waxaan leeyahay anagu diyaar baanu u nahay sidii aanu xukumadda ugala shaqayn lahayn sidii loo joojin lahaa Midawga Yurub oo ay dalka u joogi lahaayeen”.Ayuu yidhi Jamal Cali Xusen
Geesta kale,Jamaal cali Xuseen waxaa uu xukuumada ku dhaliilay qorshe la’aanta abaaraha ka jira gobolada galbeed iyo biyo la’aanta caasimada “Umadi markay dhibaato ku dhacdo waa inay sanadka dambe qorshe ka yeeshaan, waxaa loo baahanyahay in qorshe qaramaysan laga yeesho abaaraha iyo biyo la’aanta, Mashaariicda kale biyaha ayaa ka muhiimsan oo waa nolasha, Xisbiyada mucaaridku waxay diyaar u yihiin inay qorshe iyo hawlba ku darsadaan si dadkeena biyo loogu helo”Ayuu Yidhi Jamal Cali Xuseen.
Midowga yurub ayaa shaaciyay in la xidhayo xafiiska uu ku leeyahay magaalada Hargeysa isagoo dhaqaalaha ugu badan ku bixin jiray adeegyada aasaasiga iyo arimaha doorashooyinka.
Ma cada ilaa imika sababta loo xidhayo xafiiskan balse xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay xidhitaanka xafiiska midowga yurub ee hargeysa.Xidhitaanka xafiiskan ayaa kusoo beegmaya wakhti ismarin waa siyaasadeed ka dhex jiro xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment