Thursday, August 13, 2015

Saddexda Xisbi oo Tafsiirkii Sharci ee Madaxweynuhu ka dalbaday Maxkamadda Sare ka daba-geeyey Codsi kale oo ay u gudbiyeen

Eng Faysal C. Waraabe iyo Garyaqaan Aadan X. Cali oo ka hadlay Natiijada Kulan dhexmaray 3-da Xisbi iyo Maxkamadda Dastuuriga ah

Hargeysa, 16 August, 2015 (Himilo)- Maxkamadda Dastuuriga ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay kulan wada-tashi ah kala yeelatay hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran warqad maaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday inay tafsiir sharci ka soo saarto muddo-kordhinta Golaha Guurtida samaysay iyo Heshiis saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu wada-jir uga gaadheen khilaaf siyaasadeed oo muddo-kordhintaas ka dhashay.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Sabtidii todobaadkan u gudbiyey Maxkamadda Sare warqad xambaarsan codsi uu kaga dalbaday inay fasiraad sharci ka bixiso Qodobka 3aad ee Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen khilaafka doorashooyinka iyo Qodobka 5aad ee Go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.

axKulanka shalay dhexmaray Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran iyo Maxkamadda Sare oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd arrimaha lagaga wada-hadlay, waxa markii uu dhammaday warbaahinta u sheegay arrimaha lagaga wada-hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ku hadlay Afka Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhinac ah, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen arrimaha ay ka wada-hadleen.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan labada Gudoomiye Xisbi ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa saxaafadda kula hadlay barxadda hore ee Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay inay saddexdooda Xisbi si wada-jir ah uga codsadeen Maxkamadda inay tixgeliso heshiiskii ay wada-gaadheen saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu, waxaanu yidhi, “Maxkamadda Sare waanu u mahad-celinaynaa, wada-tashi bay noogu yeedhay. Waxa Illaahay mahaddii ah in saddexdayadii Xisbiba isku raacnay oonu ka codsannay inay Maxkamaddu ixtiraamto go’aankii aan wada-saxeexnay ee ahaa inay doorashadu inoo qabsoonto 2016-ka, sidaas ayaanu ka codsanay. Insha Allahu tacaalaa waxaanu sugaynaa inuu ka soo baxo go’aan wanaagsan oo dadkeenna ka farxiya, cadowgana ka nixiya.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa dhinaciisa ka hadlay kulanka dhexmaray Xisbiyada iyo Ujeeddada ay ka leeyihiin, waxaanu yidhi, “Sidaad la socotaan 8-dii bishii 8aad ayuu madaxweynuhu u soo gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah Codsi fasiraad oo ku saabsan qaraarkii dastuuriga ahaa ee Golaha Guurtidu muddada ku kordhiyeen, wakhtiga doorashada ay qabteen iyo soo-jeedintii Saddexda Xisbi.”
Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Si aanu arrintaas tafsiir uga soo saarno, haya’daha ay khuseyso ee dastuuriga ah ayaanu wada-tashi la samaynaynaa. Markaa maanta (shalay) waxaanu la kulannay saddexdii Xisbi oo wada-jira yeedhnay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Fasiraadda Sharci ee madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Maxkamadda Sare oo ah laba qodob, waxa uu madaxweynuhu kaga dalbaday inay fasiiraad sharci ka bixiyey laba qodob oo ku kala jiray Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuuumaddu ku xaliyeen khilaaf siyaasadeed oo dib-u-dhaca doorashooyinka ka dhashay iyo Go’aankii muddo-kordhinta Guurtida, kuwaas oo mid kastaaba gaarkiisa u tilmaamayo muddada ay qabsoomayaan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu.

Waxa uu madaxweynuhu Maxkamadda ka dalbaday inay fasiraad sharci ka bixiso Qodobka 3aad ee Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda oo dhigayey inay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoonto bisha December ee sannadka 2016-ka iyo Farqadda B, Qodobka 5aad ee Go’aankii Golaha Guurtidu 14-kii May ee sannadkan muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, qodobkaas oo dhigaya in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu qabsoomaan Hal bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka la kordhiyey oo ku beegan bisha April ee sannadka 2017-ka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment