Barbera August 2, 2015(Himilo)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa beeniyay warqad la sheegay inuu wasiirku u qoray dawlada somaliya oo ku qoray maamulka Somaliland.
Warqadan ayaa waxaa ku qornaa in wasiirka madaxtooyada Somaliland ogeysiiyay dawlada federaalka somaliya in lagu wareejiyay dekada magaalada berbera shirkad ka socota Dawlada Imaaraadka.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland maanta ka hadlayay dekad laga samaynayo magaalada berbera oo ku suganyahay Weftigii Madaxwaynuhu Hogaaminayay ayaa sheegay in warqadaasi laga been abuuray oo aanu isagu qorin “Wararka been abuurka ah ee ay leeyihiin Xamarbaa lala heshiiyay waxaan leeyahay waa war beena oo la iga been abuuray iyo waraaq Fooljari ah, Dekaduna waa tan oo waa laga shaqaynayaa oo cidna ka baryi mayno, waanu hagaajisanaynaa cidna u daba fadhiisanmayno Soomaaliyana waxaa iskugu kaaya Danbaysay Istanbul iyo maalintii hadhka cad aanu kala tagnay.”Ayuu Wasiir Xirsi
Wasiirku waxaa fariin u diray dad uu ku sheegay in ay waraaqaha fooljariga ah sameeyaan “Waxaan leeyahay kuwan ku warwareegaya waraaqaha fooljariga ah, Qarimada wax ha u dhimina,Hebelbaa qoray mucaarid iyo muxaafidba waxay qaran ka ku tahay sumcad xumo,in Xamarna qiimo loo yeelo oo laga dhigo meel loo tartamayo iyadoo la isleeyahay Qof wax ku yeela qaranka Dhibaato yaan loogu gaysan”Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment