Tuesday, August 11, 2015
Wasiirka Daakhiliga iyo Dad ku dhawaacmay Rasaas Boolisku la beegsaday oo ka Warramay Baaxadda Khasaaraha iyo Siday wax u dhaceen
Wiilkii Dhacdadan ku geeriyooday oo aan weli aasin iyo Xukuumadda oo maanta la ballansan Qoyska Dhibaatada loo geystay
Hargeysa, 11 August, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Weerar Ciidamada Ammaanku gelinkii dambe ee Isniintii dorraad ku qaadeen Guri ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, kaas oo galaaftay nolosha hal qof, kuna dhaawacmeen toban qof oo isugu jira shacab iyo Ciidan.
Dhacdadan oo gelinkii dambe ee Isniintii Dorraad ka dhacday xaafadda Jig-jiga yar ee Galbeedka Hargeysa, ayaa ku timi kaddib markii Ciidamo Boolis ahi weerareen Qoys dhisanaya Guri ay leeyihiin, kaas oo dawladda hoose amartay in la joojiyay boolis goobta la geeyay iyo qoskii Guriga iska lahaa isku dhaceen.
Dhaawacyada khasaaruhu ka soo gaadhay dhacdadaas, ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo dhacdadaas sababtay dhimashada Wiil da’yar iyo dhaawaca shan qof oo shacab ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay ka hadlay dhacdadan, waxa uu sheegay inay iska arkeen, maantana ay ballaansan yihiin Qoyska khasaaruhu ku dhacay, xukuumad ahaanna ay sida ugu habboon u xallinayaan dhibaatada dhacday oo uu sheegay inay masuuliyaddeeda qaateen xukuumad ahaan.
“Sida maayarka iyo Boolisku ii sheegeen laba nin oo waxoogaa isu jira oo midna Geerash haysto, midina meel deggen yahay, yaaa midkood damcay inuu meel dhisto, kii kalena wuu soo dacweeyey, dabadeedna waxa la yidhi jooji inta hawsha laysugu imanayo, arrintii baa laysku af-garan waayey dabadeedna booliskii amniga ilaalinayey baa soo dhex-galay,” ayuu yidhi Cali Waran-cadde.
Mar uu ka hadlayey khasaaraha ka dhashay dhacdada, waxa uu yidhi, “Khasaare wuu dhacay, khasaarihiina sida ugu wanaagsan ayaanu u xalinaynaa, waananu is-aragnay dadkii arrinaasi ay khusaysay, berri (maanta) ayaanu ballansannahay.Waxa dhintay Wiil, Afarna waa dhaawac, booliskana waxa dhaawac ah Todoba.”
Dad ku dhaawacmay dhacdadaas oo lagu daawaynayo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa ka dhinacooda ka war-bixiyey siday wax u dhaceen mar ay shalay u warramayeen laanta Afka Soomaaliga ee BBC.
Mustafe Axmed Maxamed oo ku dhaawacmay Rasaasta Boolisku ku furay dadka aan hubaysneyn, ayaa sharraxayey dhacdadaas, waxaanu yidhi, “Anagoo dhisayna gurigayaga oo aanu 24 sannadood deganayn ayay Boolisku noo yimaadeen 04:00 galabnimo, dabeed joojiya ayay yidhaahdeen shaqaaluhuna wuu rawaxay oo waa la joojiyay, kadib Aabbo ayaa loo yimid Faylkaagii keen baa la yidhi Saldhigga ayaaba la geeyay oo waa la xidhay. Intaas kadib waxaa nalagu yidhi waxa soo socda ciidan Guriga baabi-inaya kadib guriga ayaanu ag fadhiisanay ilaa 15 Minit kadib ayay laba xaajiyadood oo Boolis ahi noo yimaadeen markaanu ku soo dhaqaaqnayna rasaas ay hoos u ridayaan ayay nagu fureen.”
“Waxaa dhaawacmay Afar qof iyo walaalkay oo dhintay, oo toos loo toogtay, anigaba Askariga oo hal mitir wax ka yar ii jira ayaa wac igaga siiyay xabbadda waan ka gabbaday oo waan is tuuray kadib waan cararay oo waxaaban arkay iyadoo xabbadu igu taala. Waxay igaga dhacday Lugta halka Jilibka hoostiisa oo aan ka jabanahay,” Sidaas ayuu yidhi Mustafe.
Cabdiraxmaan Axmed Maxamed oo dhaawaciisa lagu dabiibayey Qaybta gargaarka deg-degga ah shalay, ayaa isna ka warramay dhaawaca soo gaadhay, waxaanu yidhi, “Xabbaddu lugta ayay igaga dhacday, anigoo baaskiilad wata oo waddada iskaga wata, ayaan arkay askar meesha rasaas ku furaysa, dabeedna waan cararay, anigoo ordaya ayay xabbaddu igu dhacday, iyadoo xabbadu igu taala ayaanan is ogayn oo aan cararay dabeedna markii dambe ayaan dhiigga arkay oo aan fadhiistay.”
Maxamed Cabdillaahi Quulle oo isaguna ka mid ah dhaawacyada lagu daawaynayo cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa yidhi,“Waxaanu jaar ahayn reerkan la soo weeraray, anigoo Iska-rogo wata ayaan arkay Maydkii inanka yar, dabeedna anna waan wisisay, wuxuun baana nalagu furay rasaas, xabbad ayaa I dhex fadhida, lugta iyo cagtaba way igaga dhacday. Ninkani waligiiba wuu deganaa meesha oo wuxuu ku dhalay Inanta dhashay 12 Ciyaal ah, markaa maaha in xaq-darro lagu soo weeraro, waxaana meesha ku haysta dawladda.”
Faadumo Qaasin oo ah Kalkaaliso Caafimaad oo ka hawl-gasha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa Weriye Axmed Siciid Cige oo BBC-da ka tirsan u sheegtay, “Waxaa naloo keenay 5 dhaawac ah iyo ilmo yar oo Mayd ah. Hal qof ayaa qori dabadii lala dhacay inta kalena xabbad baa ku dhacday. Mustafe Axmed Jabbaan laf-baa jabtay waxaa loo sameeyay qallin xalay walina dhiig ayaa socda, inan yar oo kale wuu jaban yahay, Inan darawal ahna xabad baa wali dhex taala oo qallin looma samayn. Inanka yar ee dhintay Foodda ayay xabbadu kaga dhacday waxayna ka baxday xagga dambe, Maskaxduna xagga dambe ayay ka soo daadatay,” Sidaaas ayay tidhi Faadumo oo u warramayey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Dhinaca kale, waxa aan wali la aasin Alle ha u naxariistee Wiilka da’yar eek u geeriyooday Rasaasta Ciidamada Boolisku ku weerareen Guriga qoyskiisu dhisanayeen, waxaanu wali yaallaa Qolka Meydka ee Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, iyadoo la filayo inay maanta kulmaan qoyska Marxuumka iyo Xukuumadda oo u ballamay inay xal ka gaadhaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment