Tuesday, August 11, 2015
Wasaaradda Khaarajiga Taiwan oo ka hadashay Waddamo Somaliland ku jirto oo u oggolaaday Waraaqaha Dal-ku-galka
Taipei, 11 August, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, ayaa muwaadiniintooda ku war-geliyey inay u safri karaan isla markaana waraaqadaha dal-ku-galka (Visa) looga oggolaaday lix waddan oo ay Somaliland ku jirto, kuwaas oo ku biiraya 148 dal oo aqoonsaday dalkaas.
Waddamada ayaa kala ah Hindiya, Qatar iyo Ivory Coast oo oggolaaday nidaamka dal-ku-galka (Visa) Casriga ah ee loo yaqaano E-Visa oo ah inuu qofku Visa-ha ku dalkban karo khadka Internetka, halka dalalka Iran iyo Armenia u oggolaaday dal-ku-galka caadiga ah ee qofka la siiyo marka uu ka soo dego madaarrada, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Taiwan Isniintii dorraad.
Qoraal lagu baahiyey bogga internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwain, ayaa lagu sheegay in Somaliland u oggolaatay muwaadiniinta dalka Taiwan inay Somaliland ku iman karaan nidaamka dal-ku-galka ee loo yaqaan (Visa Waiver), kaas oo u saIamaxaya muwaadniinta u dhashay dalkaasi inay muddo-kooban oo cayiman ku joogi karaan dalka iyadoon lagu xidhin Waraaqo dal-ku-gal ah, waxaanay ku sheegtay inuu yahay heshiis dhexmaray labada dowladood.
Dalka Taiwan oo inta badan dalalka Caalamku u aqoonsan yihiin dal madax-bannaan marka laga reebo dalka Shiinaha iyo xulafadiisa oo u aqoonsan inuu yahay qayb ka tirsan dhul-weynaha Shiinaha, ayaa noqonaya dalkii u horeeyey ee ka hadla heshiis dhinaca socdaalka ah oo dhexmaray xukuumadda Somaliland.
Dhinaca Xukuumadda Somaliland oo aanu Isku-daynay inaanu wax ka weydiinno arrinta, ayaan noo suurta-galin.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment