Tuesday, August 4, 2015

“Xukuumadani Intay Ku Mashquulsanayd Waddani Dad ka Saar,Wataa Beeshii Caalamku Dalkii ka Baxaysa” Guddoomiye Ciro

Hargeysa August 4, 2015(Himilo)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hogaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay xidhitaan xafiiska midowga yurub ku leeyahay Somaliland.
Guddoomiye Ciro waxaa uu sheegay intay xukuumada ku mashquulsanayd kala kaxaynta xisbiga Waddani in beeshii caalamku dalka iskaga baxday isla markaana aanu wanaagsanayn xidhiidhka xukuumada iyo Beesha caalamku.
Guddoomiye Ciro oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxad moodaa xukuumada somaliland in ay gabtay xilkii umada ka saarnaa, waxay ku mashquushey inay Waddani dadka ka saarto laakiin maanta waxaad arkaysaan in beeshii caalamku ka baxayso wadankii, Beesha caalamka macaamilbaynu lahayn arintanina waxay ku timid Diblamaasiyad la’aan xukuumada haysata”
Gudoomiye Ciro waxaa uu ku dooday inaan xafiiskan loo xidhin amniga dalka oo xun ee la furay wakhti amaanka dalku aad u liitay isagoo carabka ku dhuftay inay tani bilow tahay xafiisyo kalena ku xigaan midowga yurub “Waxaa xafiiska dalka laga furay 1995kii oo dalka dagaalo sokeeye ka socdeen oo amin daro jirtay ayay gosteen inay furaan, balse maanta oo dalku 100% amaanyahay waxay u timid bixitaan waa xukuumada iyo xidhiidhka caalamiga ah oo aan wanaagsanayn,Tani waa bilow waxaa laga yaabaa inay xafiisyo kale la xidho”Ayuu Yidhi Guddoomiye Ciro.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment