Munaasibad ballaadhan oo ay ka qayb-galeen kumanaan qurbejoog ah oo lagu marti-qaaday, ayaa xisbiyada mucaaradka ah ku dhaliileen kharashka ay ku bixisay xafladaas, taas oo ay sheegeen inay ku habboonayn in loogu gurmado Xoolo-dhaqatada abaaruhu ku dhufteen ee gobollada Galbeedka dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo tixraacayey eedaynta xisbiyada mucaaradku u jeediyeen, ayaa sheegay in qurbejooggu mutaysteen in marti-qaad loo sameeyo dadka qurbejoogga ah marka ay dalka yimaaddaan.“Waxaa jirtay Qurbejooga Somaliland oo habeen casho-sharaf loo sameeyay in aad loo hadal hayay ama la leeyahay dad baa la casuumayaa umaddiina abaaro iyo gaajo ayaa haysa, haddaanu nahay madaxda qaranka ka qurbejooga ahna anaga uun baa ka masuul ah oo maanta Illaahay xilka noogu dhiibay, ka waddanka joogana anaga ayaa ka masuul ah, qurbe jooga in maalin xaflad loo sameeyana way mutaysteen oo waa laf dhabarta Somaliland,”ayuu yidhi Mudane Saylici.
Madaxweyne xigeenka oo ka hadlayey ujeeddada munaasibadda loo qabtay qurbejoogga, waxa uu yidhi, “Qurbe jooga maanta yimid, waa kuwa arkay dhibaatada dalka ka jirta, ee abaaraha arkay, ee berrito wax ka soo tari doona, cashada yare e la siiyayna in la eego maaha,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment