Wednesday, August 12, 2015

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Maxkamadda Sare oo ka hadlay Warqad Madaxweynuhu u gudbiyey Maxkamadda

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Himilo u sharraxay tallaabooyinka ugu horreeya ee ay marinayaan Warqadda Madaxweynuhu u gudbiyey

 .Maxay Guddomiyeyaasha Xisbiyada UCID, WADDANI & KULMIYE ka yidhaahdeen kalsoonida ay ku qabaan go’aanka ka soo bixi doona Maxkamadda?

 

Hargeysa, 12 August, 2015- (Himilo)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay ujeeddada Warqad Madaxweynuhu u gudbiyey oo la xidhiidha ka gar-niqidda go’aanka muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida iyo Hehsiiska Xisbiyada oo qolo waliba dhinaceeda ku adkaysanayso in lagu saleeyo qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee muddo-dhaafay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey Nuxurka Warqaddaas iyo tallaabooyinka ay Maxkamad ahaan qaadayaan, waxa uu ku jawaabay; “Warqaddan Madaxweynuhu way na soo gaadhay oo waannu helnay, sida aad aragteenna ujeeddadeedu waa tafsiir. Sidaa awgeed, waannu dersaynaa, talo-bixinna waxaannu kala sameeynaynaa Axsaabta Siyaasadda, Golaha Guurtida iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, intaas ka dibna waxaannu geli doonnaa sidii aannu sharciga ugu eegi lahayn.”

axGeesta kale, Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo Telefeshinka Universal dood toos loo daawanayey habeen-hore ugu qabtay Istuudyahooda Hargeysa, ayaa su’aalihi lagu weydiiyey waxaa ka mid ahaa sida ay u arkaan go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) toddobaadkan ugu gudbiyey Maxkamadda sare inay ka gar-naqdo muranka muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee sannadka iyo tobanka bilood dhan iyo heshiiska saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu ay wada gaadheen 28-kii May 2015-ka oo dhigaya in 4 bilood ka hor wakhtiga Guurtidu muddaysay la qabto doorashada oo Guurtiduna qaaddacday.

Haddaba, Su’aashaas sida siman loo weydiiyey Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu mid weliba ka bixiyey jawaab muujinaysa kalsooni iyo inuu taageersan yahay go’aanka uu Madaxweynuhu Maxkamadda ugu gudbiyey ka gar-niqidda arrintaas.

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabaya su’aashaas waxa uu yidhi; “Horta, habeenkii aannu saxeexnay heshiiska saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu, isla habeenkaa Guurtidu may qarsan go’aankeeda ee way diidday, Madaxweynaha way ka diidday, Axsaabta oo wada-jir ahna waannu u ergaynay, ergadiina nagamay aqbalin. Markaa, waxay ahayd xalalkii kale ee furnaa ayay markaasba ahayd in lagu dhaqmo oo kan Madaxweynuhu maanta ku dhaqmay ka mid yahay. Markaa, waxay ila tahay xalkani mid loo baahnaa buu ahaa maanta ka hor in la sameeyo, waana soo dhawaynaynaa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isla su’aashaa kaga jawaabay; “Arrintaa Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaan in badan baannu ku dedaalnay inaannu xal siyaasi ah is-afgarad ku helno oo aynaan Maxkamad isla gaadhin. Wuxu waa sagaashan cisho, sagaashan cisho in Maxkamadda Sare isula-tagno Qaranku annaga way nala adkayd, in badan baannu dedaalna in xal iyo is-afgarad la helo oo qancinno qolada Guurtida, laakiin waxay ka fursan wayday markay iyagu halkoodii is-taageen, Xisbiyada iyo Xukuumadduna soo jeedintoodii ay meel soo dhigeen waxay ka fursan wayday in la yidhaahdo Maxkamadda sare halloo gudbiyo, iyadu go’aan haka soo saarto.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale su’aashaa ka jawaabay, waxa uu yidhi; “Arrintani habeenkii aannu saxeexnay Heshiiska ayay ahayd in arrintan la gaadho, ee ay Indhaha noo casaysteen Golahaa Guurtida oo aan anigu u arko inay inaanu dan ummadeed wadin uu Sharci-darro ku fadhiyo, laba bilood iyo badh baa innaga habsaamay immika. Markaa, waxaan jecelahay Insha Allaahu inay arrintaa Maxkamaddu innaga soo afjarto oo hawleheenna aynu ku dhaqaaqno. Hawlo badan baa innoo hadhsan, dalkani wuxu u baahan yahay in wada-jir loo horumariyo, wada-jir aan wax u qabsanno, wada-jir aan u waajahno cadawgeenna, maanta dawladda Xamar ka dhisan dawlad innagaga cadawsani weligeed Xamar kamay dhalan.”

Waxaa kale oo saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID dooddaas lagu weydiiyey su’aal isku mid ah oo inay ku qanci doonaan oo ay ku kalsoonaan doonaan go’aan kasta oo Maxkamadda sare soo saarto, waxaana ugu horreyn Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabay, waxa uu yidhi; “Tallaabada hadda lagu gudbiyey waan qaddimay oo waan taageersannahay, waana ka dhur-sugaynaa go’aanka Maxkamadda Insha Allaah.”

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, waxa uu yidhi; “Maxkamadda Sare go’aankeeda waan aqbalaynaa Xukuumad ahaan iyo KULMIYE. Waxaan filayaa cid walba waa ku khasab inay aqbasho waxay soo saarto Maxkamadda sare, lagama warwareegi karo waa sharci. Haddaad Maxkamadda sare gar geyso maaha sidaad doonayso inay kuu xukunto, sida qofka kale ama qaybta kale ee kaa soo horjeedda ayay xukumi kartaa. Markaa, waa inaad ku talo-gashaa, kay xukuntaba waa la aqbalayaa, waa Dastuuri, meel looga wareego male, go’aankeeda ayaanay ku dhammaanaysaa arrintani.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu isla su’aashaa kaga jawaabay; “Maxkamaddani waa Maxkamaddii 2003-dii 85-kii Cod ee uu doorashada ku waayey KULMIYE ka gar-qaadday ee go’aankeeda la oggolaaday. Markaa, Maxkamadi-ba hadday wax go’yso haddaad necebtay iyo haddaad jeceshahay-ba waa inaad ixtiraamtaa, markaa ixtiraamkeeda ayay naga mudan tahay, waxaanan Illaahay ka baryayaa inuu talada wanaagsan waafajiyaa (Maxkamadda Sare).”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment