Tuesday, August 11, 2015

Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka ku eedaysay inay ka xannibtay soo Iibsiga Qalabka Ciidanku Muddaharaaddada kaga hor-tago

 

Hargeysa, 11 August, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa beesha caalamka ku eedaysay inay xannibaad ka saartay in laga iibiyo Somaliland qalabka Ciidammadu isticmaalaan ee lagaga hor-tago muddaharaaddada iyo rabshadaha Shacabku isku dayo, waxaanu ugu baaqay inay u oggolaadaan ka iibinta agabkaas.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sidaa Saxaafadda u sheegay mar uu shalay ka jawaabayey Su’aal Weriye ka weydiiyey sida ay Shacabku Ciidanka Booliska ee ammaanka u xil-saaran, maaddaama oo ay iyagi Shacab, Maati iyo Carruur aan hubaysnayn Rasaas nool u isticmaalayaan oo ay si axmaqnimo ah madaxa ugala dhacayaan, isagoo ka hadlayey dhacdo sababtay dhaawac iyo dhimasho ka dhashay hawlgal Boolisku ka sameeyey Guri ku yaalla Xaafadda Jigjiga-yar oo ka tirsan degmada Kood-buur ee magaalada Hargeya.
Waxa uu Wasiir Waran-cadde, oo ka jawaabaya su’aashaas yidhi; “Dunida ayaan-darrada innaga haysataa waxa weeye Somaliland xannibaad bay saareen, waanannu kala hadalnaa dunida waxyaabaha lagu isticmaalo ee lagaga hor-tago muddaharaaddada, macaa taasay innaga saareen xannibaad oo aynaan soo iibsan karin. Taa waxaan leeyahay Beesha Caalamku waa kuwan sheegta inay Xuquuqal-iinsaanka ilaaliyaane, markay wax dhacaan illeen dal walba way ka dhacaane waxan ay dalalkooda ku fardaamiyaan in la innaga iibiyo oo aan la inna odhan idinku Xoolaad tihiin, ayaannu ka codsanaynaa inay innaga iibiyaan, si aannu u kala ilaalinno Askariga iyo Qofka. Ta labaad Askarigu waxna wuu ku qaldanaan karaa, waxna wuu sixi karaa, wixii khalad ah waa saxaynaa waana qaadanaynaa wixii qalad ah.”
Mar uu Shacabka la hadlayey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu yidhi; “Shacabka boqolkiiba boqol baan raalli uga ahay sida ay u ilaaliyaan nabadgelyada, sida ay Booliskooda ula shaqeeyaan. Laakiin, mararka ay wax dhacaan Booliska inaan loo arag cadaw, ee ay u arkaan Booliskoodii iyo Ciidankoodii, iyaguna wax laaya ismalaha, waayo? Godob malaha, colaadi kuma jirto, cidna col lama ah, waa dadkoodii, kala qabta bay isleeyihiin. Markaa, haddii Ciidanku soo gurmado waa inaan cadaw loo arag oo qofki dagaal iyo dhib aanu kala hor-tegin.”
Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa inta badan hawlgallada ay Bulshada dhexdeeda ka samaynayaan iyo ka hor-tegga muddaharaaddada iyo rabshadaha u adeegsada Rasaas nool, iyagoo dad Shacab ah oo aan hubaysnayn ku waxyeelleeya Xabbadaha nool oo ay hoos ugu dhigaan, taasoo dhibaato xooggan ku haysa Bulshada, oo iyaguna Rasaasta Boolisku ku furo kaga jawaaba inay kala yaacaan iyo inay qaarkood wisiisiyaan oo ay Dhagaxan-tuur kala hortagaan Booliska hubaysan.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment