Alle swc wuxuu shareecada u soo dejiyey illaalinta shan shay oo kala ah:
1. Nafta qofka oo aan si yar dilkiisa loo xalaashan karin
2. Maalkiisa,
3. Cirdiga
4. Caqliga
5. Diinta
Waxa in dhaweydba xummad xoog badan shacabka gudde iyo debada ku beeray falalka foosha xun xun ee sida joogtada ah ugu soo noq noqonaya dalka gudihiisa gaar ahaan waxa xannuun iyo xanaf badan ku reebay quluubta kumanaan qof xaqdarada iyo xabada lala dhacay qoys ka mid ah qoysaska qaranka ugu suntan taariikhda dib u u xoreynta dalka, waxa galay daaradooda boolis aan wadan waaran maxkamadeed oo soo qabasho ah waxaanay qabteen aabihii qoyska wayna xidheen, waxooga kaddibna waxa madaxa laga toogtey wiil yar oo uu dhalay. Isla wiigan waxa sidoo kale gobolka Awdal ka dhacay dil aad u fool xun kaas oo lagu dhaawacay laguna dilay saraakiil ka tirsan ciidanka.
Maantana waxa geeriyooday wiil yar oo 7 xabadood askari kula dhex dhacay saldhiga kood buur!
Intaas oo dhami markay dhacayaan xukuumadeena xurmo daran waxay awood u wayday xalinta amuurahan anfariirka iyo argagaxa ku beeray bulshada.
Madaxweynuhu wuxuu awoodi kari waayey inuu shir deg deg ah isugu yeedho goolihiisa wasiirada iyo laamaha amaanka ee ay khuseyso arrimaha aminga dalku si looga soo saaro jawaab celin waafi ah oo shacabku ku laab qabowsadaan.
Waxa ayaan darro weyn ah in uu Madaxwynuhu ka hadli kari la’yahay dhibaatada baaxadaas leeg ee dalka u hogaamintiisa hayo ka dhex jirta.
Waxay awoodi kari waayeen kooxaha la shaqeeyaa iney booqdaan maatida dhibaatadani ku dhacday oo ay la waddaagan murugada iyo muraaro dilaaca ka muuqda malaha wayba ku mafsuudsan yihiin dhibta haysta bulshade!
Dunida dhacdooyinkan kuwo ka yar yar oo khalad masuul sameeyey ah ayaa wasiiro dhami iyo taliyayaal dhami xilka isaga casilaan kuwani way garan waayeen taasna waayo shacab nacas ah oo aan damiir damqada laheyn ayey arkaan siday doonaana ka yeelayaan
wuxuu Alle diiday daadinta dhiiga qofka muslimka ah shareecada iyo barta ay ka istaagteyna waxa ku soo arrooray aayado badan iyo axaadiis.
Shil waa dhici karaa, khalad waa ka iman karaa, balse su’aasha aan is weydiinayo ayaa wali ah. Sidee ayey ku dhici kartaa in 7 xabadood lagu dhufto qof maxbuus ah xeerka booliska, dastuurkeena iyo diinteenaba meel ay kaga jirtaa ma jirto.
waxa lagu andacoodaa tayo la’aan iyo qalab la’aan ayaa haysata booliska yaa ka masuul ah tayeyntooda iyo qalabeyntooda?
Boolisku wuxuu u baahan yahay (Police Protection material) oo ah qalabka wax iska caabinta booliska oo dunida meel kasta laga soo heli karo. tusaale ahaan marka ay rabshado jiraan sida mudaharaada iwm, marka uu gudanayo waajibaadkiisa shaqo.
su’aasha kale ee meesha ku jirtaa ahaa ah waa dilkii saddexaad ee wiig gudihii dhaca sameeyeena askar ta tirsan ciidanka wiilkii hore ee lagu toogtey hargeysa, saraakiishii Boorama lagu toogtey iyo wiilkan hadda dhintey Alle swc dhamaantood ha u wada naxariistee meeyeen saraakiishii boolisku iyo taliyihii bileysku? meeday wasaaraddii arrimaha guduhu?
waxaan leeyahay Madaxweyne laba midkood uunbaa ku gudboon in aad ummadda u sheegto inaanad awoodi Karin hogaaminta dalka oo aad is casisho iyo inaad awoodaada uu Alle ku siiyey kuna qoran Dastuurka ee sharciga aad u leedahay adeegsato oo aad xil ka qaadis ku sameyso
Taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirka arrimaha gudaha labadoodaba maxkamadna waliba la soo joojiyaa haddii kale waxaad sugtaa waa iyadoo suuqa la isku dhex toogto.
Ma jeclid in si kibir ah laguu xidho, ma jeclid in wiilashaada madaxa xabad lagaga dhaco, ma jeclid in dulmi lagugu sameeyo ha u quudhin shicibkaaga intaanad naftaada la jecleyn.
waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu wiilkaasi ka baxay Anigoo la wadaagaya murugada iyo muraara dilaaca haysta
Allow dalka iyo dadka adigaa u maqan
Garyaqaan Barkhad Jama Hirsi Batun
Email: Barkhad909@live.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment