Thursday, February 20, 2014

Laadhuuda Hargaysa Lagu Ciyaarayo Maxaa Looga Dan leeyay? - W/Q Axmedfure

Ugu horayn waxaan bogaadin iyo salaam hawada u marinayaa bahda saxaafada ee had iyo jeer halganka ugu jirta inay shacabkooda ka haqabtiraan baahida wareed.

Intaa ka bacdi waxaan waxyar ka taabanayaa arimahan siyaasadeed ee cakiran ee maalamahan ka dhex taagan hogaamada siyaasadeed ee dalka , isla markaana u dhaxeeya golaha baarlamaanka iyo xuumada talada haysa. Inkastoo loolanka loo banaanyahay had iyo jeerna dadku inay si karaamo iyo dadnimo ku jirto ay u ciyaaraan turubka iyo ciyaaraha kala duwan ee siyaasada laga dheelo , kuna salaysan dun wanaaga dhaqan ee ka reeban qaska iyo laaluushka ee laga dhaxlo walafka ,iimaan la,aanta iyo ku danaysiga golaha dhexdiisa iyo xubnaha kale ee xukumadaba . Waayo marka laga reebtoonaado arimahaas waxaa samato baxaya ama badbaadaya oo hanbaysmaya hiyi socodkii xaruurta ahaa ee aynu ugu talo galnay in hadba qoladii timaadaaba wax kusii darto , oo haba yaraate la helo taayir wareegaya oo inta yar ee rajo ku noosha ahi bidhaan sadaan , moral iyo farxana ka dhigtaan, dhigooda iyo cadawgoodana ugu faanaan. Marka aad aragto dadkii waawaynaa oo iyagu tilmaan u noqonaya wax kasta oo ummad laga waaniyo waxaa halkaas kaaga soo baxaysa in aynu ka aradanay hogaan suuban oo wax inuu bedelo daaye , laga yaabo in waxii yaraa ee aynu mudada faraha badan u dibad galownay ay kala daadiyaan. Fadalka iyo orodka ka dhacaya kooxaha isku haya hiyaga iyo hamiga waalan ee damaqu shidayo kuna salaysan danysiga nacabka iyo danaha reernimo ku gaadh ee marka aad hoos u milicsato aan wax ka hooseeyaa aanay jiray , waxaad aad xasuusanaysaa in ta maanta taagani la mid tahay tariikh xumadii , magac jabkii iyo qaran dumisnimadii ay la kulmeen ummado badan oo taariikhda ku suntay markii ay falalkan oo kale ku kaceen, kuwaaso inagu tusaale ka noqon karno.

Lama hubo inta uu gaadhi doono Xaaji Cabdi , lakin waxaan maqli jiray wadhaf iyo shimbiro war isuma hayaan , waxaad taas ku tusaalaysan kartaa waxa waayeelkii Somaliland waxgaradkoodii ay sida fiinta uga qayliyeen falalka foosha xun ee aan looga baran waayeel iyo wax garad la doortay ee maanta kuwa talada hayaa ku kacayaan . Aduunka qalad lagama waayo waxaase ayaan daro ah in ruqo ninkii lahaa dabada hayaa aanay kacayn .

Waxaan kusoo gebegabaynayaa runtiina ay tahay in xoolaha iyo lacagaha laaluushka iyo hebel liicida lagu baabiinayo dadka biyo haloogu soo saaro markaas ayaad helaysaan dad idin yidhaa walaahi wax la taaban karo ayaad qabateen , waxaanad ogaataan in dadku dhagaxa ka horeeyo. Walee hadii kale lib iyo guuli kaa dheer waxaad doontaba sheegoo inta caasimada hargaysa lagu biyo iyo laydh layay ,idina aad laadhuuda ku ciyaaraysaan labada aqal ee iska soo horjeeda , shacabkiina ay hami gudhay iyo hawl uun u tahay.

Wa bilaahi taw fiiq.

Axmedfure

axmedfure@gmail.com

 

 

No comments:

Post a Comment