Waxa na dhaafay baskii hore oo buuxay, kii labaadna wuu na dhaafay. Mid kastana jooji ayaanu si wada jir ah ugu dhawaaqaynaa. Kii saddexaad ayaa soo joogsaday waxaana ka babnaan laba kursi oo keliya, ka dib hadal badan iyo dood dheer, waxa la isku raacay inay gabadhii xarragoonaysay fadhiisato kuraasida midkood, ka soo hadhayna qofkii ugu da’ weyni fadhiisto. Waanay dhacday. Baska dhexdiisa waxa ka socota sheeko hab-qan ah.
Dhalinyar iga horaysaa waxay ku murmayaan Real Madrid iyo Barcelona ka ciyaar fiican. Odey iyo laba nin waxay isku haystaan Siilaanyo iyo Riyaale ka xukun fiican, laba wadaad waxay isku khilaafsan yihiin Tusbuxu waa bidco yo maaha, saddex hablood waxay xamanyaan gabadh hor-fadhiday labbiskeeda. Nin ayaa tilifoonka gacanta ku hadlaya oo qaylada ka baxaysa aad mooddo inuu joogo xero-jaaddii, nin Qurbo-joog ahi wuxuu ka sheekaynayaa waddankuu ka yimid iyo kan uu joogo siday u kala duwan yihiin. Waxaanu caayayaa Soomalida, waxaanu amaanayaa dalkuu ka yimid. Afar nin oo xagga hore fadhiyaa waxa ay isku haystaan qabyaalad, nuxurka dooddoodu waa reer Hebel ayaa ka badan reer Hebel.
Dirawalk basku wuxuu nuugayaa sigaar, afkiisana waxa ka muuqda cagaarka Qaadka, balse waxba ma raamsanayo. Wuxuu aad ula dhacsan yahay hees ka baxaysa Rikoodhka baska oo Xasan Aadan Samatar ku luuqaynayo. Heestu wey dallacan tahay. Mid ka mid ahaa Rakaabka baska oo u muuqday nin wadaad ah, ayaa ka codsaday inuu naaquso heesta ama bakhtiiyo. Wadihii baska ayaa ugu jawaabay, “Qaybta jacaylku ha ku shaqayso”. Koox dhalinyaro ahayd oo heesta la dhacsanaa ayaa qosol-kooxeed jaanta wadhay. Ninkii cadho ayuu jiq noqday waxaanu dalbaday in baska la joojiyo, si uu uga dego. Manay dhicin.
Waxaanu soo gaadhnay afaafka idaacadda ee Raadhyow Hargaysa. Baskiina wuuu istaagay. Hal-mar ayuu rakaabkii ku dhawaaqay waar jooji. Dad aan ku qiyaasay toban ayaa ka degay. Waxa albaabka soo buux dhaafiyey koox masaakiin dawarsanaysa oo codad kal duwan ku luuqaynaya. Islaan fadhiday kursiga albaabka xiga, ayaa ku qayliday masaakiintii kuna tidhi “Na dhaafa baahina idinma haysee, waxaad tihiin shaqo done”. Odey kursiga ku xiga fadhiyey ayaa ku booday islaantii, uguna jawaabay, “iska daa dadka baahan, haddii aad adigu ladan tahay”. Dood kulul ayaa dhexmartay odeygii iyo islaantii. Dadkii rakaabka ahaa waxay ku midoobeen sheekadan. Badankoodu waxay isku raaceen inaanay baahiyi hayn Oromada, balse ay yihiin shaqo tag. Waxaanu soo gaadhnay isgoyska Togdheer. Nin Taraafig ah ayaa siidhi wiqiiq ka siiyey, waanu na joojiyey. Gabadh xagga dambe fadhiday ayaa tidhi meelahaa jooji. Way naga degtay. Haddana dooddii ayaa isu-rogtay cidhiidhiga waddada. Odey ayaa ku dooday in cidhiidhigu bilaabmay markuu Siilaanyo kursiga qabtay, balse waxa ku soo booday nin dhexe oo aan da’diisa ku qiyaasay shan iyo konton, waxaanu ugu warceliyey,”Illaahay ka baqo, weligeedba sidan ayey ahayd”. Islaantii fadhiday kursiga albaabka ayaa ku raacday odeygii Oo tidhi, “Waa runtii oo markuu xukunka qabtay, ayuu belaayo nala soo galay”.
Dhalinyartu doodda kuma jirto. Waayeelkii ayaa geesaha isla-galay.derawalkii baska ayaa doodda ku soo biiray, waxaanu yidhi, “Maxaa qof kasta oo weyn ku diray madaxweyne Siilaanyo?” Odeygii ayaa kula booday, kuna celiyey, “Inan yar oo shalay dhashay ayaad tahay, ee taariikhda baro, Siilaanyo waxaanu ku baranay S.N.M iyo qaaxo”. Waxaa ku raacay hadalkan dhamaan waayeelkii baska saarnaa, laakiin dhalinyartii way ka aamuseen. Waxaanu soo gaadhnay suuqii oo hawshii aan u socday ayaan qabsanayaa ee nabadeey!
Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Hargaysa, somaliland

No comments:
Post a Comment