Thursday, February 13, 2014

Guddoonka Guddiga Turxaan-bixinta Kulmiye oo ka hadlay Rejada Suulinta Khilaafka Regaadiyey Xisbiga

Maxamed-Biixi-Yoonis-300x259Hargeysa, 13 Feb, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha guddiga Turxaan-bixinta khilaafaadka Xisbiga Kulmiye, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa markii u horreysay tafaasiil ka bixiyey qaabka ay guddi ahaan u qorsheeyeen inay kaga hawl-galaan xal kama-dambays ah oo laga gaadho deminta khilaafaadka regaadiyey xisbiga talada haya ee Kulmiye.


Md Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay inay ku gudo-jiraan ka midho-dhalinta dhex-dhexaadin ay ku suulinayaan is-maandhaafka madaxda xisbiga Kulmiye oo tiraba dhowr jeer dib u dhigay qabsoomidda shirweynihiisa.


Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa,waxa uu sheegay inay guddi ahaan ka kulmeen arrintaas isla markaana ay rejaynayaan inay dhakhso u soo af-jaraan khilaafaadka jira.


Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Guddigaas turxaan bixinta ee madaxweynuhu magacaabay guddoomiyaheeda ayaan ahay. Khilaaf yar oo aan micno lahayn buu ahaa, waanu wadnaa, waxaananu doonaynaa maadaama Xisbiga Kulmiye yahay Xisbil-xaakinkii, sidii loola shaqayn lahaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka iyo madaxdiisa kale oo aanu isugu wada keeni lahayn, si uu u noqdo xisbi adag oo hawlihiisa wata, waanu ka kulannay, waxaananu filaynaa inaanu si dhakhso ah u soo af-jarno haddii Illaahay nala qabto.”


Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa badhtamaha bishii hore guddi-turxaan bixin ah oo Wasiir Biixi guddoomiye u yahay u saaray deminta khilaaf sababay in xisbiga talada dalka hayaa uu kala qaybsamo garabyo kala mabaadi’ geddisan, kuwaas oo ku loolamay majaraha siyaasadeed iyo hoggaaminta Xisbiga, arrintaas oo sababtay in tirada dhowr jeer dib-u-dhac ku yimaaddo qabsoomidda shirweynaha Xisbiga Kulmiye.


Guddiga Madaxweynuhu u magacaabay turxaan-bixinta khilaafka Kulmiye waxa xubno ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, Xildhibaan Abubakar Good iyo Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka (NDC) Md. Jamaal Caydiid.

No comments:

Post a Comment