Hargeysa, 16 Feb, 2014 (Himilo)- Wada-hadal u socday Guddiyo ay iska xuleen labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland ee khilaafku ka dhex jiray bilihii ugu dambeeyey, ayaa burburay, isla markaana natiijo la’aan ku dhammaaday, sida ay shalay shaaca ka qaadeen Guddiyadaas oo dhinac waliba dhinaca kale ku eedeeyey guul-darrada wadahadalkoodu ku dhammaaday.
Guddiga oo ka koobnaa 14 Xildhibaan, oo dhinac waliba toddoba xubnood iska soo xulay toddobaadkii hore, ayaa sheegay in wadahadalkooda u socday ay isku mari-waayeen, isla markaana ay ku kala kaceen shalay oo qorshuhu ahaa inay doodohooda soo gunaanadaan, go’aammana xal u ah khilaafkoodana isla-meel-dhigaan, hase-yeeshee ay isla-dhaafi-waayeen qodobbo ka mid ah kuwa khilaafku ka taagnaa.
Waxay Guddiyada labada dhinac ee wadahadalkoodu inuu sii socdo ama ay go’aammo ka soo saaraan ku guul-darraystay shalay markii ay kulanka lagu kala kacay oo ka socday Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa ay Warbaahinta u sheegeen inay xalka arrintaas dib ugu celiyeen Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida Somaliland oo xallintoodu keentay inay Guddiyadani wadahadlaan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Wakiilladu hoggaaminayaan, ayaa sheegay inay ku guul-darraysteen go’aan ka gaadhista soo afjaridda khilaafka Golaha kala qaybiyey.
Md. Cabdiraxmaan-Dheere oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waxaanu doonaynay oo aannu isugu nimi inaanu go’aan ka gaadhno dooddii aanu muddada afarta cisho ah soo wadnay, laakiin nasiib-darro murankaa waannu ka gaadhi kari waynay qaraar, annaga oo markii hore go’aansannay inaannu annagu qaraar kama dambays ah ka gaadhno Guurtidana culayska ka dul-qaadno. Laakiin, markii aannu annagu gaadhi kari waynay, xalkii wuxuu noqday inaannu Guurtidii u yeedhno.”
“Waxaannu doonaynaa Guurtiyey inaad arrintaa gashaan, waayo haddii aannu markii hore idin nidhi annaga ayaa idin furanayna, waannu idin furan kari waynay. Xalkuna waxa uu noqday inaannu Guurtida dib ugu celinno oo aannu gacanta ka gelinno halka ay wax marayaan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere.
Sidoo kale Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Garabka Guddoomiyaha Wakiillada, ayaa sheegay in lagu guul-darraystay in xal kama danbays ah laga soo saaro kulammadii Guddiga u socday maalmihii u dambeeyey, waxaanu yidhi; “Jewigu guud ahaan wuu fiicnaa wax badanna waannu isla meel-dhignay, wakhti badanna way nagu qaadatay. Laakiin, gebogabadii waxaad mooddaa inay wax isu-kaaya qaban waayeen. Xataa inta badan fikirrada kamaannaan qayb-qaadanayn ee waxa dantu tahay baannu ka eegaynay ”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE, balse la safan Garabka Guddoomiyaha Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa sheegay dhinaciisa in uu ummadda Somaliland ugu baaqayo inay la socdaan arrimaha socda ee Xukuumaddu waddo sida uu hadalka u dhigay, waxaanu yidhil; “Qabar baa dhacay, waannagaa ku soo kala kacnay, maannaan jeclayn inaannu ku kala kacno, Qaranka oo dhan baa na eegayey. Immika afar cisho ayaannu wadahadlaynay wax ay dhankaasi noo keeneen ama aan isla meel-dhigno oo aan qaadanno waannu ka waynay, waxa kaliya ee ay taagnaayeen ee ay ku dhegganaayeen waxay noqotay mooshinkayaga halloo codeeyo oo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha ha laga dhigo 42, dee Guddoomiyaha 42 cod hallagu rido waa dil.”
“Nimankani waa Golahayagii waana Raggii markii hore keenay 42-ka, waana Raggii wiigga isku beddelay ee haddana xagga kale ka soo jeedstay, taladuna inaanay maanta gacanta ugu jirin ayaannu aragnaa, shacabkana waxaannu leenahay indhihiinna ayaa Macallin ah, annagu wixii aannu garannay iyo taladayadiiba waa la diiday, halkaasaanay taagan tahay, waana la yeedhinayaa telefanka ayaa saacad walba socda, maxaa soo dhacay ayaa la hayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaan Ibraahin Jaamac Carraale oo isaguna ka hadlay khilaafkan ka taagan Golaha Wakiillada Somaliland, kana mid ah Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen, ayaa Garabka ka soo horjeeda ku eedeeyey inay baqayaan, waxaanu sheegay in Ragga uu Garabka Cirro dhulka fadhiisinayeen inay ahaayeen Mudanayaal la siman oo reer Somaliland ah oo aan ka geyin sida loola dhaqmay.
“Odayga annaga ayaa doorannay waana la ridi karaa, Madaxweyne-na waa la ridi karaa, Golahayaguna 42 ayuu Madaxweynaha ku eedayn karaa, Golaha Guurtidana loogu gudbin karaa, balse 42 wax dhaw maaha annaga ayaana ka dhignay tiradaas. Waxaan leeyahay Guddoomiyaha cabsida iska daaya ee aqbal mooshinnada kolna Golaha ha xidhannin, kolna toddoba cisho ha qabsannine oo qaylo-dhaan ha dirannine.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Jaamac Carraale.
Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo isaguna ka mid ah Garabka Guddoomiyaha Wakiillada, xubnaha Guddigana ka mid ahaa, ayaa Guddiga dhinaca ka soo horjeeda ee ay wadahadalka ku kala kaceen ku eedeeyey in geestooda waxba ka socon waayeen oo ay ahaayeen Guddi wax loo yeedhinayo oo aan u madax-bannaanayn go’aan ka gaadhista xalka la doonayey in laga gaadho khilaafka Golaha kala qaybiyey.
“Dadku waxay heshiyaan markay cidda la isu saaray ee is-horfadhiisanaysaa ay labaduba haystaan kalsooni go’aan qaadasho…..nasiib-darro waxa muuqata qoladii aannu is-hor-fadhiisannay inaanay talada iyagu haysan ee wax loo yeedhinayey…waxay ku dhegganaayeen Guddoomiyaha waxaannu ka dhigaynaa 42 iyo saddexda Shirguddoonka hallaga dhigo 55, waxaannu leenahay iyagaa ka noqday oo waxay go’aan ku gaadheen in Guddoomiyaha 42 laga dhigo codka lagu ridi karo, waxay doonayaan in Guddoomiyaha si dhib-yar loogu rido 42 cod.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.
No comments:
Post a Comment