Sunday, February 16, 2014

Dawladda Turkiga oo shaacisay inay Joojisay Dhaqaalihii ay tooska u siin jiray Soomaaliya

Ankara, 15 Feb, 2014 (Himilo)- Dawladda Turkiga ayaa joojisey dhaqaalihii ay sida tooska ah u siin jirtey dalka Soomaaliya, kaas oo badankiisa lagu bixin jirey gargaarka bini’aadaminimo iyo mashaariicda dhanka horumarinta la xidhiidha.


Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa mas'uul aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, ayaa sheegtay in Turkigu dhamaadka sannadkii hore ee 2013 uu joojiyey dhaqaalihii tooska uu siin jirey Soomaaliya.


bbbbbbbbbSarkaalkan oo la weydiiyey inay jiraan wada-hadallo u socda labada dhinac oo ku aaddan sidii sanadkan 2014 dib loogu bilaabi lahaa dhaqaalihii Turkigu siin jirey Soomaaliya iyo in kale, ayaa meesha ka saaray inay dawladda Turkigu wax ku-talo-gal ah ka qorshaysay dhaqaale ay ku taageerayso dalka Soomaaliya.


“Xilligan taas wax ku tala gal ah kama lihin, qorshahana nooguma jirto," ayuu yidhi Sarkaalkani.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wakhtigan ku sugan dalkaasi Turkiga, balse lama garan karo in ujeeddada socdaalkiisu la xidhiidho wada-hadal uu dawladda Turkiga kala leeyahay go’aanka ay ku joojisay deeqaha tooska ah ee dawladdiisu ka heli jirtay.


Sidoo kale mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey warka sheegaya in Turkigu joojiyey deeqihii lacageed ee Soomaaliya uu ku kaabi jirey, inkastoo ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in dib mar kale bixintooda uu Turkigu u bilaabo.


Ma cadda xaddiga lacagta ay sannad walba xukuumadda Ankara toos u siin jirtey Dowladda ee Soomaaliya, hase yeeshe Cabdisalaam Cumar Hadliye oo ah guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddadii uu xilkaas hayey ay bil walba Bankiga Dhexe ku soo dhici jirtey lacag dhan $4.5 milyan oo dowladda Turkigu ku deeqday.


Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda ee magaceeda loo soo gaabiy (TIKA), ayaa sheegay in arrintani aanay saameyn ku yeelan doonin howlihii samafalka ahaa ee ay hay'addaasi ka qabato gudaha Soomaaliya.


Turkiga oo qaybta ugu weyn ka qaatay gurmadka abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011, wuxuu Soomaaliya ka hirgeliyey mashaariic horumarineed, waxa uu sidoo kale dhisay goobo waxbarasho, cusbitaalo iyo weliba dayactir lagu sameeyey xarumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

No comments:

Post a Comment