Saturday, February 8, 2014

Wasiirka Tamarta oo la Kulamay Shirkad Shidaal-baadhis ka bilaabaysa Dalka

Hargeysa 12 Jan, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda shirkad lagu magacabo RAK GAS oo laga leeyahay Imaaradda Raysul Khaymah ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta, taasi dalka u timi sidii ay hawl-gallo shidaal-baadhis ah uga samayn lahayd dalka.


PORTWasiirka Macdanta iyo Tamarta oo kulanka ka dib warbaahinta uga warramayey ujeeddada socdaalka weftigan oo ka koobnaa laba sarkaal oo ka tirsan shirkada RAK GAS, ayaa sheegay inay hordhac u yihiin sidii shirkadu hawlo shidaal-baadhis ah uga bilaabi lahayeen dalka, waxaanu xusey in shirkaddu hawsha si rasmi ah u bilaabi doonto bisha saddexad ee sannadkan, isla markaana ay masuuliyiinta sare ee shirkaddu dhawaan dalka iman doonan si ay u dar-dar geliyaan hawlaha sahaminta iyo baadhista shidaalka.


Wasiirku waxa uu tilmaamy in shirkadan oo ah tii saddexad ee sannadkan gudihiisa dalka timaadda ay hawsha qodista shidaalka bilaabi doonto sannadka 2015 sida ku talagalku yahay ka dib natiijada ka soo baxda sahamin shidaalka.


Osama Abdula Aal oo ku hadlayay magaca shirkada RAK GAS, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yihiin safarka ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu xusey in shirkaddoodu si rasmi ah hawsha sahaminta u bilaabi doonto bisha saddexad ee sannadkan, waxaanu u mahad celiyey xukuumada Somaliland gaar ahaan wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uu uga mahad-celiysay sida wanaagsan ee dalka loogu soo dhaweeyey.

No comments:

Post a Comment