Sunday, February 16, 2014

Hay’adda Shaqaalaha oo ka hadashay culayska Afar kun oo qof oo berri tartan u galaya 45 Boos

Hargeysa, 16 Feb, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa sheegay in shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirtaa sababtay inay Afar kun oo ruux oo dhalinyaro u badani CV-yo u xaraystaan 45 Boos oo ka bannaan Wasaaradda arrimaha gudaha, kaasoo imtixaan ay sabtidii shalay ku kala saari lahaayeen dib ugu dhigeen Isniinta berri.

guddoomiyahaGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, ayaa cudur-daar ka bixiyey imtixaanka ay shalay ka qaadi lahaayeen oo uu sheegay inay hawl shaqo ka soo dhex-gashay, isla markaana waxa uu ballan-qaaday inay maalinta Berri ah qaadi doonaan imtixaanka loogu tartamayo shan iyo afartanka boos ee ay u tartamayaan afarta kun ee ruux, isagoo sheegay inay si caddaalad ah u qaadi doonaan imtixaankaas.

“Maanta (shalay) ayay ahayd in dhalinyarada u tartamaysa 45 shaqaale ah oo Wasaaradda Arrimaha gudaha Miisaaniyadda ugu jiray, laakiin dib ayaanu u yara dhignay, aadna waanu uga xunahay imtixaankaa qaadidiisa la ballan qaaday ee la qaban kari waayay. Noomana suurtagalayso inaanu berri iyo sahan dambe midna qaadno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawaldda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale.

Waxaanu Guddoomiye Nuux oo hadalkiisa sii wataa intaa ku ladhay oo yidhi;  “Waxaannu haynaa 4 kun oo CV oo u tartamaya 45 boos oo shaqo ah. Illaahay khayr ha inna siiyo, shaqada oo yar oo cid inna saaciddaana aanay jirin, innaga ayuun-baa isku tashana. Sidaa daraaddeed, shaqadiina way yar tahay, dhalinyaradii innoo soo baxaysayna way badan yihiin. Markaa, wixii baan is daboolayn oo waa dhibaato inna haysata, laakiin waa laga baxayaa oo dalku khayraad ayuu leeyahay.”

Shir ay shalay yeesheen Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdisamad Cumar Maal iyo Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa lagu go’aamiyey in imtixaanka dib loo dhigo, lagana shaqeeyo sidii imtixaankaas loogu qaadi lahaa qaab caddaalad ah sida uu Nuux sheegay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladdu waxa uu ballan-qaaday inay ku dedaalayaan caddaalad in ay u qaadaan imtixaanka laga qaadayo afarta kun ee qof ee u tartamaya shan iyo afartanka shaqo ee Wasaaradda arrimaha guduhu qaadanayso, waxaanu yidhi; “Dadka caddaaladda ayaa deeqda, markaa waxaannu ka shaqeynaynaa sidii Cv-yadaa si caddaalad ah loogu kala saari lahaa.”

Kumannaan qof oo ka tirsanaa Dhalinyarada CV-yada iyo Codsiyada shaqo soo gudbistay oo shalay subax ku soo kallahay xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaa ku hungoobay ujeeddadii ay u soo kallaheen ee ahayd inay galaan imtixaanka shaqo oo hore loogu muddeeyey 15-ka bisha labaad oo Sabtidii shalay ku beegnayd. Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ayaa dejiyey dadkaas, isla markaana u sheegay in culays shaqo awgeed aanay imtixaankaas shalay u qaban Karin, balse ay Isniinta berri qaban doonaan, sidaasna ay iskaga noqdaan dadka Imtixaanka u soo diyaar-garoobay, kuwaasoo saacado ka dib iska kala-dareeray.

Waa markii ugu horreysay ee dad gaadhaya afar kun oo qof oo reer Somaliland ah oo dhalinyaro u badani ay CV-yo u xaraystaan, isla markaana u tartamaan shan iyo afartan boos oo ay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland baahisay inay qaadanayso.

No comments:

Post a Comment