Tuesday, November 4, 2014

Dad Tiradoodu Gaadhayso 10-Milyan Oo Qof Oo Aan Haysan Dal ay Gaar U Leeyihiin

New York:Nov,04,2014(Himilo)-Warbixin ay soo saartay Ha’yadda Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, ayaa lagu sheegay inay sii badanayaan dadka aan haysanin waddamo ay gaar u leeyihiin.

tageeHay’addu waxay haatan Gudo gashay Olole Dadkaas loogu raadinayo Baasaboorro ay ku safnaan, waxana ay sheegaysaa inaanay dadkaasi oo tiradoodu sii kordhaysaa aanay hasanin Documents ay ku safraan.

War saxaafadeed ay soo saartay hay'addu waxaa lagu sheegay in ay maanta dunida ku noolyihiin dad ka badan 10 Million oo qof oo aan haysanin hanaan caafimaad, mid waxbarasho iyo xuquuq siyaasadeed.

Waxaa kamid ah dadkaasi, dadka ku dhashay xeryaha qaxootiga, kuwaas oo aanu jirin dal ay ku abtirsadaan, isla-markaana aan lahayn waraaqo dhalasho.

Madaxa sare ee hay'adda Antonio Guterres, waxa uu ku dooday in dawladduhu ay siiyaan dhalashooyin caruurta ku dhalatay wadamadooda ee aan lahayn dalal kale oo xukuumado ka jiraan.

Waxa uu intaas ku daray in wadamo badan ay noqonayaan kuwo ay hoos u sii dhacayso arrimaha takoorka, waxana loo soo jeediyey dalalka ay dadkaasi ku nool hiyiin inay bixiyaan Baasaboorro dadkaasi helaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment