Sunday, November 9, 2014

Furitaanka Kal-fadhigga 26-aad ee Wakiillada oo Go’aan Shir-guddoonku sababeeyey dib loogu dhigay hal toddobaad

Hargeysa, 09 Nov, 2014 (Himilo)- Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo sida ballantu ahayd furmi lahaa 8-da November oo Sabtidii shalay ku beegnayd, ayaa baaqday, iyaga oo Mudanayaasha Goluhu soo dhammaystay Fasaxooda caadiga ah oo ay ku maqnaayeen muddo 45 maalmood ah, waxaanu furitaanka Kal-fadhigani u baaqday go’aan ay Shir-guddoonka Wakiilladu isla gaadheen.
CABDIRAXMAN CIRRO SLFLAGFuritaanka Kal-fadhigan Sabtidii shalay baaqday, ayaa Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay go’aan Shir-guddoon dib ugu dhigeen muddo toddobaad ah, isla markaana uu Kal-fadhiga 26-aad si rasmi ah u furmi doono 15-ka Bishan November ee aynu ku jirno oo ku beegan Sabtida toddobaadka soo socda.
Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo Warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in sababta furitaanka Kal-fadhiga 26-aad u baaqday ay tahay go’aan ay Shir-guddoon ahaan isla gaadheen, waxaanu yidhi; “Waxaa muddaysnaa in la furo Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Maanta oo sabti ah. Waxaannu Shir-guddoon ahaan isla garannay in dib loo dhigo Kal-fadhiga mudDo hal todDobaad ah si loo dhammaystiro hawlaha Kal-fadhiga la qabanayo iyo qorsheyaashiisa.”
Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo hadalkiisa sii wataa intaas ku ladhay; “Khilaaf baajiyay (furitaanka) ma jiro. Laakiin, sidii aannu hawsha qorshaheedii u samayn lahayn ayuun baannu shir-guddoon ahaan isla garannay in Afar maalmood oo shaqo dib loo dhigo, waxaanan idiin xaqiijinayaa in Kal-fadhigu si caadi ah u furmi doono Sabtida soo socota Insha Allaah.”
Geesta kale, Qoraal go’aan ah oo ay ku wada-saxeexnaayeen Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, oo ku taariikhaysnaa taariidka 08 November 2014 oo shalay ahayd, ayaa lagu wargeliyey Mudanayaasha Golahaas, waxaana qoraalka kooban ee Qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Go’aan Shir-guddoon: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Mudanayaasha Golaha in Kal-fadhigii Golaha ee furmi lahaa 8 November hal usbuuc (toddobaad) dib loo dhigay, si loo dhammaystiro qorshe-hawleedka Kal-fadhiga. Waxa Kal-fadhigu furmi doonaa 15-ka November 2014.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka go’aanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland wada saxeexeen oo Warbaahinta loo akhriyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment