
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaallo tacsi ah oo madaxweynuhu u diray ehellada, qaraabada iyo qoysaska ay ka baxeen saddexda Marxuum oo ku kala geeriyooday waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Dhamaan qoyska reer Samatar, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Marxuum Cabdilaahi Jaamac Samatar oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka 08/11/2014. Tacsi taasi la midana waxa uu madaxweynuhu u dirayaa Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo xambaarsanaaa dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu u diray Qoyskii, ehelladii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay.
Sida oo kale, dhambaalka tacsida ah oo madaxweynuhu geerida ku timi kaga tacsiyadeeyey Qoysaska Marxuum Koosaar Cabdilaahi Yaasiin iyo Marxuum Maxamed Axmed Xasan, ayaa u qornaa sidan: -“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxeen Marxuumiinta kala ah Koosaar Cabdilaahi Yaasiin, iyo Maxamed Axmed Xasan (Carwo) oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska 08.11.2014.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi gaara u dirayaa La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Mudane Axmed Xasan Cabdi (Carwo) iyo dhamaan reer Carwo, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida Maxamed Axmed Carwo.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaasi alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo imaan ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment