Madaxweyne Jose Mijica, ayaa Haddii uu qaato Lacagta Gaadhisiiga la dul dhigay waxa Hubaal ah inuu ka Bixi doono Faqiirnimada Haysata, balse lama hubo inuu iibin doono iyo In kale, maadaama uu ku qanacsan yahay inuu ahaado Hoggaamiyaha Adduunka ugu saboolsan.In kasta oo madaxweynayaasha dunidu ku raaxaystaan gawaadhi qaali ah, waxa uu madaxweynaha Uruguay oo lagu naanayso madaxweynaha ugu saboolsan dunidu, wataa gaadhi noociisu yahay, Volkswagen Betel beetle lana sameeyay 1978-dii, kaas oo sida uu sheegay Madaxweyne Jose Mojica ah, hantida kaliya ee uu leeyahay, sababtoo ah guriga uu degan yahay iyo beerta ku taala waxa leh xaaskiisa, waxaanu xusay in codsigaasi soo gaadhay balse aanu wali ka qaadan go’aan.
Shacabka dalkiisa ayaa si wayn u soo dhaweeyay, kuna tilmaamay faraj ka yareyn kara sabooltinimada haysata madaxweynahooda.
Madaxweynahan, ayaa xataa mushaharkiisa aan qaadanin, waxana uu ku caawiyaa dadkii saboolka ah, waxana uu dunida ku leeyahay magac iyo Maamuus aanay jirin hoggaamiye kale oo gaadhay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment