Saturday, November 8, 2014

Al-shabaab Oo Dagaal Lagu Hoobtay Kula Wareegtay Jasiiradda Istaraatiijiga ah ee Kudhaa

Kudhaa:Nov,08,2014(Himilo)-Ururka Al-shabaab, ayaa saaka Guluf xoog leh kula wareegay Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose oo dhawaan Gacantooda ka Baxday.

dhaaxDagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa bilowday xalay saacada markii ay aheyd 4:00 habeenimo, waxaana la isla soo gaadhay saaka aroortii oo ciidamada Shabaab waxaa u suuragashay in dagaalka xoogan ay kula wareegaan gacan ku haynta Jazeerada Kudhaa.

Ciidamada Maamulka Jubba oo markii hore gacanta ku hayay Kudhaa, ayaa iskaga cararay saaka, markii ay difaacan waayeen deegaankaasi, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Axmed Madoobe hada ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Madhawa oo Kudhaa agteeda ah.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah o oculus,ayaa ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca inta ay la eegtahay ilaa hada.

Ciidamada Shabaab ayaa ku sugan Jazeerada Kudhaa gudaheeda, iyadoo lasoo sheegaayo in ciidamada ay difaacyo ka xidheen duleedka deegaankaasi.

Dhimashada ayaa la sheegayaa inay ku badan tahay dhinaca Ciidanka Dawladda Federalka Somalia, waxana tirada ka dhimatay lagu sheegayaa ilaa iyo Labaatan askari.

Jazeerada Kudhaa ayaa hore Shabaab waxaa uga qabsaday ciidamada Maamulka Jubba oo muddooyinkaan dambe ka talinaayay, hayeeshe saaka aroortii ayaa laga qabsaday deegaankan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment