Hargeysa 05 Nov, 2014 (Himilo)- Ganacsato u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa todobaadkan magaalada Hargeysa ku soo gaadhay socdaal ay ku indho--indhaynayaan fursado maalgeshi oo ay ka hirgelin karaan dalka.
Ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska oo ay weheliyaan laba ganacsade oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa salaasadii soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay mid ay ugu kuur-galayaan fursadaha maalgeshi ee ay ka heli karaan dalka.

Ms Jennifer Anderson oo ka hadlaysay munaasibad shalay lagu furay xaruntan cusub, ayaa sheegtay inay magaalada Hargeysa kulan kula qaadatay ganacsato Ingiriis ah oo hawlo maalgashi u yimi Somaliland.
Talaabada imaatinka ganacsatadan ayaa ku soo beegmaya ka dib kulan ku saabsanaa fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga ee Somaliland oo laba usbuuc ka hor lagu qabtay magaalada London.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment