
“Xeerar Saxaafadda khuseeya hal xeer baynu haynaa oo waa Xeer lambar 27.waa Xeerka Ururada Saxaafaddu inbadan ku qaylinayeen xeerkaas hanaloo daayo.Xeerkaas Saxaafadda ee Lam 27 ee Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Siilaanyo saxeexay, ee Labada gole baarlamaan ansixiyay,xeerkaas baanu maanta laga bilaabo idinku dhaqaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo Warbaahinta la hadlaya
Wasiir Cukuse waxa uu Sheegay inuu maanta laga bilaabo Ruqsada kala noqday Liis dhawr Bog ka kooban uu sheegay inay Yihiin Hay’addo warbaahineed oo Wargeysyo iyo Tv-ya ah balse aan mudo shaqayn qaarkoodna sidii Ruqsada shaqo loo siiyay aanay hawl galin. “Waxaanu bixinta Liisamada bilaabaynaa todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha guud, waa la isdiwaangalinayaa, waxaad buuxinaysaa Foom, haddii aad Website leedahay, haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbac iyo kuwan Boodhadhka Xaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay (Goobaha Wararka), waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sanadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Dhinaca kale, Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa dedafeeyey go’aamada wasiirku shaaciyey in lagu dhaqayo saxaafadda madaxa-bannaan oo ay ku tilmaameen mid meel-ka-dhac ku ah madax-bannaanida Saxaafadda.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa ka hadlay xeerka Xukumaddu dhaqan galinayso, waxaanu yidhi, “Horta waanu soo dhaweynaynaa wasiir,imbadan baanu kuugu taag la’ayn Xeerka Saxaafadda ee lambar 27 Sanadkisuna ahaa 2004 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay, labada Gole baarlamaana Ansixiyay ee Madaxweyne Siilaanyo-na Wareegtada ka soo saaray 2012-kii ee wali ka qarsoon wasaaraddaha iyo meelaha wax la dhigo” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.

Maxamed-rashiid oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaan Wasiir kuu sheegayaa Guddida Anshaxa waxaa xaq u leh Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,qodobkiisa 5-aad baanu ku qoran yahay.waa guddi madaxbanaan,mid Dawlad u adeegana ma noqonayo mid ay dawladdi biilisana ma noqonayo.”
Waxa kale oo Xoghayaha SOLJA sheegay inay hay’adaha Warbaahintu leeyihiin Liisamo islamarkaana Cashuurta ay kala xaajoon karto oo kaliya Wasaaradda Maaliyadda iyo Xeer ilaalinta Qaranku.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment