Cabdiraxmaan Cirro oo shalay taageerayaasha xisbigiisa kula hadlayey magaalada Burco, waxa uu ku dooday in ilaalinta Xuquuqal Iinsaanka, Maamul-wanaagga iyo Xorriyadda Saxaafadda oo la dhowraa ay yihiin saddex arrimood oo dawladnimada Somaliland ka dhiman, balse haddii la tabbaqo suurta-gal ka dhigi kara inay Somaliland ka mid noqoto beesha Caalamka.

Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sheegay in siyaasadda Xisbigiisu ka shidaal-qaadanaysaa ay muhiimadda siinayso soo-dhawaynta iyo xal-u-raadinta tabashooyinka ka jira deegaannada Bariga dalka oo uu sheegay inay wada-hadallo la furi doonaan siyaasiyiinta ka soo horjeeda Somaliland.
"Siyaasadda Xisbiga WADDANI waxa weeye in aynu noqono Somaliland oo magacyo aan la kala bixin,magacyo cusub ayaa inagu soo kordhay,waxaan doonaynaa deegaanka wax tirsanaaya iyo ninka Siyaasiga ah ee Miisaanka leh,ee reer Somaliland u dhashay ee wax tabanayaba in aynu la hadalno, waxaa aynu diyaar u nahay in aynu Cali Khaliif iyo dadka Somaliland u ma talaya-ba aynu la hadalno, Somaliland oo mida ayaa aynu abuuraynaa haddii Illaahay ka dhigo, waana Siyaasada Xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu Guddoomiye Cirro ka hadlay Kulan aan suurto-galin oo saddexda Guddoomiye Xisbiga doonayeen inay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo ay dhowaan socdaal ku tageen, kula yeeshaan Cali Khaliif Khaliif Galeydh, waxaanu yidhi, “Saddexda guddoomiye ee Saddexda Xisbi qaran waxaanu isku daynay safarkii aanu ku tagnay Kenya in aanu la kulano Cali Khaliif, laakiin nooma ay suurta galin,Insha Allah Somaliland waa ay la kulmaysaa,Axsaabtuna waa ay la kulmaysaa haddii Illaahay ka dhigo," ayuu yidhi Md Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in dhalinyarada dalka loo adeegysado Ciidamada Argagixisada loogu talo-galay ee RRU-da, halkii laga dhiiri-gelin lahaa shaqo-abuurna loo samayn lahaa, "Dhalinyaradii reer Somaliland waxa ay ku dhamaadeen qabriga wayn ee badaha ayay ku dhamaadeen oo guri aan laga barooran oo reer Somaliland ahi waa uu yar yahay.
Ayaan-darraduse waxa weeyaan hambadii hadhay ee waddanka ku hadhay ee is-tidhi tashada oo shira oo Ururo samaysta, waxa ay Xukuumadu bilowday in guryahya loogu dhaco oo RRU-loo diro oo la yidhahdo ma shiri kartaan oo ma tashan kartaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment