Dhalinyarada tartan suugaaneedkan ka qayb-qaadatay oo isaga kala timi gobollada dalka oo madaxweynuhu xalay ku qaabilay Qasriga madaxtooyada, waxa hor-kacayay guddoomiyaha Ururka SODRA oo tartan-suugaaneedkan soo qaban-qaabiyey Axmed Shaqalle iyo Guddoomiye ku-xigeenka ururkaas Nada Yuusuf Cumar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu faahfaahiyey kulanka madaxweynuhu la qaatay Dhalinyarada.

Madaxweynaha oo isna dhalinyaradaasi ku hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen inay u caqli celiyaan kuwa naftooda biimeeyey ee u banbaxay tahriibta iyo inay u badheedhaan badaha, ayaa ku amaanay da'a yartaasi sida xigmada leh ee ay gabayada iyo suugaanta ugu cabireen dareenkooda, isaga oo madaxweynuhu gudanaaya waajibaadkiisa qaran ee dhiirigelinta da'a yarta dalka waxa uu xafiiskiisa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey dhalintaasi.
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu da'a yartaasi kula dardaarmay in aanay ka daalin wacyigelinta iyo kulanada noocan oo kale ah, una joogteeyaan si ay kuwo badan oo ka mid ah dhalinyaradu wax ugu qaataan. Sidoo kale waxa dhaliyaradaasi kulan qado sharaf ah hotel Maansoor ugu sameeyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment