Saturday, November 8, 2014

Guddoomiye Cirro Oo Ka Warramay Sababta Keenay In Kalfadhigii Golaha Wakiillada Muddo Toddobaad ah Dib Loo Riixo

Hargeysa:Nov,08,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Wakiillada somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa faahfaahiyey sababta keentay In Kafadhigii 26-ad ee Golahaas oo saaka la filayey inuu furmo dib loogu dhigay.

cirroGuddoomiye Cirro oo la Hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inay shirguddoon ahaan isla garteen inn Fadhiga muddo Toddoba csiho ah dib loo dhigo, waxana uu sababta ku sheegay inay qabyo tirayaan Ajandayaashaa Golaha u yaalla.

“Waxaa muddaysnaa in la furo Kalfadhiga 26-aad ee Golaha wakiilada Somaliland Maanta oo sabti ah,waxaanu Shir gudoon ahaan isla garanay in dib loo dhigo kalfadhiga mudo hal todobaad ah si loo dhamaystiro hawlaha Kalfadhiga la qabanayo iyo qorsheyaashiisa” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Gudoomiyaha Wakiilada oo la waydiiyay in dib u dhigista furitaanka Golaha uu ku lug leeyahay Khilaafkii dhawaan golaha soo kala dhex galay waxa uu ku jawaabay “Khilaaf baajiyay ma jiro laakiin,sidii aanu hawsha qorshaheedii u samayn lahayn ayuun baanu shir gudoon ahaan isla garanay in Afar maalmood dib loo dhigo,waxaanan idiin xaqiijinayaa in Kalfadhigu si caadi ah u furmi doono sabtida soo socota” ayuu Hadalkiisa Sii Raaciyey.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment